Jadon Sancho oo ah da’yarka ugu qaalisan kubadda cagta,…

(Yurub) 24 Mar 2020. Shabakadda CIES Football Observatory ayaa ku qiimeysay Jadon Sancho inuu yahay da’yarka ugu qaalisan kubadda cagta, iyagoo xiddigga Borussia Dortmund geliyay booska ugu sarreeya dhallinyarada ugu qaalisan xilligan.

Daraasaddan waxay gaar u tahay ciyaartoyda dhashay qarnigan 21-aad, taasoo la micno ah xiddigaha dhashay wixii ka dambeeyay sanadkii 2000.

Sancho ayaa ah laacibka ugu qaalisan xiddigaha da’da yar ee dunida kubadda cagta, waxaana CIES ay ku qiimeysay 184 Milyan oo gini, isagoo ka sarreeya laacibka ay ka wada tirsan yihiin Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland, kaasoo lagu qiimeeyay 94 Milyan oo gini.

Xiddigaha weerarka kaga ciyaara Real Madrid ee Rodrygo iyo Vinicius Jr ayaa ku jira boosaska ku xiga xiddigaha kooxda reer Jarmal, halka Chelsea laacibkeeda Callum Hudson-Odoi uu ka mid yahay shanta ugu sarreysa.

Ferran Torres oo ka tirsan kooxda Valencia ayaa booska lixaad ku jira, waxaana soo raaca laacibka Rennes ee Eduardo Camavinga iyo da’yarka Manchester United ee Mason Greenwood, si la mid ah Phil Foden oo ka tirsan Man City iyo Moise Keane oo Everton u ciyaara ayaa 10-ka sare ku jira.

Arsenal laacibkeeda amaahda ugu ciyaaraya hadda kooxda St-Etienne ee William Saliba ayaa fadhiya kaalinta 20-aad, halka weeraryahanka Barcelona ee Ansu Fati uu ku jiro booska 12-aad.

Hase ahaatee, Gunners weeraryahankeeda Gabriel Martinelli ayaanan ka mid noqon 20-ka da’yar ee ugu qaalisan kubadda cagta xilligan, inkastoo garoonka Emirates uu ku leeyahay shacbiyad xoog leh.

Camavinga waa laacibka ugu da’da yar ee 10-ka sare ku jira, waxaana xusid mudan in xitaa uusan 18-sano jirsan, isla markaasna marka la gaaro November uu gaari doono da’da 18-ka sano.

Daraasaddan waxay ciyaartoyda ku kala saartay halbeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin da’dooda, heshiiska ay kooxda kula jiraan inta ka harsan, darajada ay ka joogaan xulalka qaramadooda iyo horumarka ciyaareed ee ay sameynayaaan.

Shabakadda CIES ayaa qiimeysay wax ka badan 1,000 saxiix tan iyo 2012 illaa bishii January ee 2020, waxaana qiimeyntan aynu ka sheekeyneyno ay ka soo aruurisay shanta horyaal ee ugu waaweyn qaaradda Yurub oo kala ah Premier League, La Liga, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1.

Haddaba liiska 20-ka da’yar ee ugu qaalisan kubadda cagta qaaradda Yurub kaga bogo qaybtan hoose:- 

  1. Jadon Sancho 184m Borussia Dortmund
  1. Erling Haland 94m Borussia Dortmund
  1. Rodrygo 82m Real Madrid
  1. Vinícius Júnior 69m Real Madrid
  1. Callum Hudson-Odoi 67m Chelsea
  1. Ferran Torres 51m Valencia
  1. Eduardo Camavinga 49m Stade Rennais
  1. Mason Greenwood 47m Manchester United
  1. Phil Foden 47m Manchester City
  1. Moise Kean 43m Everton
  1. Ozan Kabak 40m Schalke
  1. Ansu Fati 40m
  1. Takefusa Kubo 38m RCD Mallorca
  1. Max Aarons 37m Norwich City
  1. Dejan Kulusevski 37m Parma
  1. Ryan Sessegnon 36m Tottenham
  1. Sandro Tonali 34m Brescia
  1. Hamed Traoré 26m Sassuolo
  1. Benoît Badiashile 25m AS Monaco
  1. William Saliba 25m Arsenal/Saint Etienne

FG: Lacagta qormada ku xusan waa giniga Istarliinka ah.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy