Kaddib Heshiiskii Nathan Ake Ee Man City, Waa Kuwan 20ka

Nathan Ake ayaa ku biiray liiska difaacyahannada ugu qaalisan dunida, kaddib markii ay Manchester City la gaadhay heshiis dhamaystirkiisa shaacinta oo kali ahi ka dhiman yahay, isla markaana ay labada kooxood isla qaateen in £41 milyan oo Gini ay kula kala wareegaan.

- Advertisement -

Tababare Pep Guardiola ayaa Nathan Ake ku xallinaya dhibaatooyinkii uu ka cabanayay xili ciyaareedkii dhamaaday ee khadka dambe ee liigistu ka jirtay, waxaanu noqonayaa saxeexa labaad ee ay Citizens samayso saacado kooban gudahood, iyadoo uu kasii horreeyey laacibka garabka weerarka uga ciyaara Valencia ee Ferran Torres.

25 jirkan reer Netherlands oo ay kooxo badan usoo hanqal taageen markii Bournemouth ay ka dhacday horyaalka Premier League ee ay dib ugu noqotay heerka labaad, ayaa waxa nasiib u yeelatay Man City oo uga hor martay Man United oo ka mid ahayd naadiyada lala xidhiidhinayey.

Laacibkan ayaa marka heshiiskiisa si xog ah loo dhamaystiro, waxa uu ku biiri doonaa liiska difaacyahannada ugu qaalisan dunida, isaga oo kaalinta 10aad kala baxaya Elianquim Mangala oo sannadkii 2014 ay Man City qaab ka fiirsi la’aan ah ugu soo iibsatay £40.5 milyan.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa magacyada 20ka difaac ee ugu qaalisan dunida ee la kala iibsaday iyo kooxihii lacagta ku farraqay:

20. Clement Lenglet, Sevilla => Barcelona – £32.31m

19. Konstantinios Manolas, Roma => Napoli – £32.40m

18. Lillian Thuram, Parma => Juventus – £32.54m

17. Eric Bailly, Villarreal => Manchester United – £34.20m

16. Davinson Sanchez, Ajax => Tottenham – £36.00m

15. Shkodran Mustafi, Valencia => Arsenal – £36.90m

=13. Thiago Silva, AC Milan => Paris Saint-Germain – £37.80m

=13. Leonardo Bonucci, Juventus => AC Milan – £37.80m

12. Nicolas Otamendi, Valencia => Manchester City – £40.05m

11. Eliaquim Mangala, FC Porto => Manchester City – £40.50m

10. Nathan Ake, Bournemouth => Manchetser City – £41.00m

9. Rio Ferdinand, Leeds United => Manchester United – £41.40m

8. David Luiz, Chelsea => Paris Saint-Germain – £44.55m

7. Eder Militao, FC Porto => Real Madrid – £45.00m

6. John Stones, Everton => Manchester City – £50.04m

5. Aymeric Laporte, Athletic Bilbao => Manchester City – £58.50m

4. Lucas Hernandez, Atletico Madrid => Bayern Munich – £72.00m

3. Virgil van Dijk, Southampton => Liverpool – £76.19m

2. Matthijs de Ligt, Ajax => Juventus – £76.95m

1. Harry Maguire, Leicester City => Manchester United – £78.30m

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More