Ma Sidan Ayay Kubadda Cagtu Kusii Socon Kartaa? Ma

Tababareyaasha kooxaha horyaalka waddanka Jarmalka ee Bundesliga ayaa dhibaatooyin waaweyn soo food-saareen toddobaadkii ugu horreeyey ee dib loo bilaabay ciyaaraha, waxaana durba loo diiwaangeliyey rikoodh dhaawacyo ah oo gaadhay ciyaartoyda.

- Advertisement -

Maadama aanay ciyaartoydu tababar badan qaadanin, waxa la filayay inay dhaawacyo iman doonaan, laakiin cidina ma saadaalinayn in tiro intan le’eg garoomada looga saari doono dhaawac darteed.

14 ciyaartoy oo horyaalka Bundesliga ah ayaa usbuucan lagu qoray buugga dhaawacyada kaddib markii ay wax ku noqdeen kulamadii koowaad ee ay kooxahooda u ciyaareen muddo laba bilood ah kaddib.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa dhibaatada ugu badan ee dhaawacyada la wadaagtay Hoffenheim, waxaanay labadan kooxood waayeen min laba ciyaartoy, taas oo tababareyaasha ku keentay walaac ah inta ciyaartoy ee ay filan karayaan in toddobaad walba ay ka dhaawacmaan.

Giovanni Reyna iyo Thorgan Hazard ayaa laga saaray kulankii Dortmund ay ku qaabishay Schalke 04 ee ay guusha weyn ee 4-0 ah ku heshay. Sidaas oo kalee, Hoffenheim ayaa dibedda soo dhigtay Sebastian Rudy iyo Ilhas Bebou.

Kooxda hoggaanka haysa ee Bayern Munich ayaa nasiib wanaagsanayd, waxaanay garoonka ka baxday iyadoo haysata saddex dhibcood, dhibaatooyin dhaawacna aanay soo gaadhin.

12 ka mid ah 14-ka AxadleTM ee dhaawacu soo gaadhay waxay ka tirsan yihiin kooxaha heerka koowaad ee Bundesliga, labada ciyaartoy ee kalena waxay ka ciyaaraan Bundesliga 2 oo ah horyaalka heerka labaad.

Ciyaartoyda dhaawacmay iyo kooxahooda

Reyna (Dortmund)

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More