Mallorca vs Barcelona… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay…

(Mallorca) 13 Juun 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa caawa dib ugu soo laabanaysa ciyaarista horyaalka La Liga kal ciyaareedkiisa 2019-20  oo caawa dib loo ambaqaadi doono kaddib markii faafaha Coronavirus loo joojiyey ciyaaraha.

- Advertisement -

Barca waxa ay caawa booqanaysaa naadiga Mallorca, waxaana ay doonaysaa inay guul ka soo gaarto si ay u sii xajisato hoggaanka horyaalka La Liga.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Sabti, 13 Juun 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Estadio de Son Moix

Garsooraha: Carlos del Cerro (Spain)

Wararka Kooxaha:-

Mallorca

Takefusa Kubo ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo dhanka bidix ee khadka dhexe oo uu ka horimaado Kooxdiisii hore, halkaasoo uu ku qaatay sanooyin badan oo qaab ciyaareedkiisu fiicnaa.

Fran Gamez waa inuu ka soo muuqdo daafaca bidix, halka Alejandro Pozo uu sii wado inuu cadeeyo inuu mudan yahay daafaca dambe, isla markaana uu booskiisa haysto.

Salva Sevilla ayaa la filayaa inuu khadka dhexe kala ciyaaro Iddrisu Baba, iyadoo Aleix Febas uu kursiga keydka fadhiyo.

Barcelona

Clement Lenglet ayaa ka ganaaxan Barcelona, wuxuuna ku maqnaan doonaa kaarka casaanka ah, taasoo la micno ah in Gerard Pique iyo Samuel Umtiti ay ka wada dheeli doonaan booska daafaca dhexe ee kooxda martida ah.

Nelson Semedo wuxuu jabiyay sharcigii iyo xakameyntii ay Dowladdu u dajisay faafaha Coronavirus isbuucaan, taasoo meesha ka saartay inuu ka qeybgalo kubbadda cagta muddo kooban.

Luis Suarez ayaa markale taam ah kaddib markii uu galay qalliin bishii Janaayo, waana inuu ku soo bilowdaa weerarka sida la filayo.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan afar gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Mallorca tartammada oo dhan.

>- Kooxda Barcelona ayaa guul gaartay labadaba qeybta hore ee ciyaarta iyo kulanka oo dhammaystiran lixdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la dheeshay Mallorca dhammaan tartammada.

>- Barca ayaa guuleysatay 10 ka mid ah 12-keedii kulan ee ay u martisay Mallorca tartammada oo dhan.

>- Kooxda hoggaaminaysa horyaalka La Liga ee Barcelona ayaa guuleysatay 5 ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay horyaalka La Liga.

>- Barcelona ayaa laga dhaliyey ugu yaraan labo gool shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay meel ka baxsan garoonkeeda ku soo ciyartay kulammada horyaalka La Liga.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More