Man United Oo Dhammaystirtay Heshiiska Xiddig Barcelona Ah,

Dabcan waxaan wali si rasmi ah u furmin suuqa kala iibsiga ee xagaaga waxaana lagu jiraa bishii June balse kooxaha ugu waaweyn qaarada Yurub ayaa ah kuwo u tafo-xaydanaya suuqa iyagoo sii dajinaya qorshayaasha ay ku galayaan.

- Advertisement -

Inuu kubaddii cagta hakiyay fayraska Korona walow horyaalada qaar dib loo bilaabay ayaa dhalisay in kooxaha kala duwan gaar ahaan raga suuqa u qaabilsani ay helaan wakhti badan oo ay suuqa kaga faaloodaan.

Manchester United ayaan wax ka badan 50 Milyan oo Pound ku bixin doonin garabka Borussia Dortmund iyo xulka qaranka England ee Jadon Sancho halka Dortmund ay wax ka badan 100 Milyan oo Pound doonayso. (Sky Sports)

Arsenal ayaa tix-gelinaysa inay da’yarka khadka dhexe ee ree France ee Matteo Guendouzi ku darto heshiisyada ciyaartoy is-dhaafsi xagaagan. (Mail)

Tottenham ayaa kalsooni ku qabta inay 24 sano jirka Southampton ee Pierre-Emile Hojbjerg la saxeexan doonto balse marka hore u baahan inay ciyaartoy iibiso. (Telegraph – subscription required)

Manchester City ayaa xiisaynaysa saxeexa daafaca dhexe ee Bournemouth ee Nathan Ake balse waxa suurogal ah inay tartan kala kulmeen Chelsea oo doonaysa inay dib ula saxeexato 25 sano jirkaas (Athletic – subscription required)

Wolves weeraryahankeeda ree Mexico ee Raul Jimenez ayaa sheegay inuu ka warqabo wararka xanta ah isla markaana uu ku faraxsan yahay kooxaha isaga hadal haya. (Telemundo via Mail)

Barcelona daafaceedii midig ee Marc Jurado oo 16 sano jir ah ayaa kooxdaas iskaga tagay waxaana la filayaa inuu qaab bilaash ah ugu wareego Man United oo horeba heshiiskiisa shaqsiga ah u dhammaysay. (ESPN)

Juventus ayaa kor usoo qaaday doonisteedii 20 sano jirka ree Spain ee kooxda Valencia ee Ferran Torres oo hore loola xidhiidhinayay kooxaha Man United iyo Borussia Dortmund (Onda Cero via Mail)

Barcelona ayaa lacag 365 Milyan oo Pound ah ku xidhay heshiiska uu Miralem Pjanic oo Juventus ka tirsani xagaaga ugu soo wareegayo kooxdooda. (Sun)

Daafaca kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Morroco ee Achraf Hakimi ayaa lagu arkay Talyaaniga kahor heshiiska 36-ka Milyan ee Pound ah ee uu Inter Milan ku tagayo.. (Mail)

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Rennes ee Florian Maurice ayaa sheegay in kooxdiisu aysan iibin doonin 17 sano jirkeeda khadka dhexe ee Eduardo Camavinga oo Real Madrid lala xidhiidhinayay xataa haddii dalab 80 Milyan oo euro ah laga soo gudbiyo. (Goal)

Manchester City ayaa dhammaystirtay saxeexa weeraryahankii ree Spain ee Pablo Moreno iyagoo dhinaca Juventus u wareejiyay garabkii Portugal ee Felix Correia kaddib heshiis ciyaartoy is-dhaafsi oo ay labada kooxood sameeyeen. (Guardian)

 

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More