Man United Oo Ku Guuleysatay Kalidou Koulibaly, Pjanic Oo

Muddo kooban  ayaa ka hadhay waqtiga uu furmayo suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaaga oo ku beegan horraanta bisha June, laakiin fayraska Korona ayaa laga yaabaa in sannadkan uu isbeddel ku keeno.

Warbaahinta dunida gaar ahaan wargeysyada ayaa waxay si maalin leh usoo bandhigaan dhaqdhaqaaqyada ugu dambeeyey ee kooxaha, ciyaartoyda ay doonayaan iyo waxyaabaha laga yaabo inay dhacaan.

Sidii aad nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyey ee suuqa iibka ciyaartoyga ee ay wargeysyada waaweyn ee Yurub qoreen maanta oo Jimce ah:

Barcelona waxay hoos u dhigtay qiimaha difaaceeda 26 jirka ee Samuel Umiti, waxaana kaliya hadda lagu iibsan karaa £27 milyan oo Gini. Manchester United iyo Arsenal ayaa xiisaynaya. (Sport)

United waxay bartilmaameedkeeda koowaad ee xagaagan ka dhigatay difaac cusub oo Ole Gunnar Solskjaer uu albaabada u furayo in loogu keeno Old Trafford, waana Laacibka reer Senegal ee Kalidou Koulibaly oo PSG ay iskaga baxday tartankii ay ugu jirtay. (Express)

Khadka dhexe ee Juventus iyo xulka qaranka Bosnia-Herzegovina ee Miralem Pjanic oo 30 jir ah, ayaa iska diidi doona inuu u dhaqaaqo horyaalka Premier League, iyadoo ay Chelsea ka mid ahayd kooxaha xiisaynayay. (Mundo Deportivo)

Real Madrid iyo Manchester United waxa lagu qasbi doonaa inay muddo laba sannadood ah sugaan 19 jirka Borussia Dortmund weerarka uga ciyaara ee Erling Haaland, maadaama qiimaha lagu burburin karayo heshiiskiisa oo 75 milyan oo Euro ah aanay dhaqan geli doonin illaa laga gaadhayo 2022. (Evening Standard)

Arsenal ayaa qorshaynaysa inay lasoo saxeexato 24 jirka difaaca uga ciyaara Dortmund ee Manuel Akanji oo qiimihiisu yahay £25 milyan oo Gini. Waxay wada-hadalkiisa bilowday bishii January. (Sun)

Dhinaca  kale, Gunners waxay Everton kula biirtay dagaalka ay ugu jirto khadka dhexe ee Juventus ee Adrien Rabiot oo ah 25 jir si fiican ula shaqayn kara Matteo Guendouzi oo 21 jir ah. (Le10Sport)

Arsenal waxa kale oo ay eryanaysaa difaaca bidix ee Ajax iyo xulka qaranka Argentine ee Nicolas Tagliafico oo ah 27 jir ku qiimaysan £20 milyan oo Gini. (Sun)

Liverpool ayaa xiisaynaysa inay lasoo saxeexato difaaca Sevilla ee Diego Carlos oo ah 27 jir u dhashay Brazil. (Marca)

Paris St-Germain ayaa albaabadeeda u furtay weeraryahanka Arsenal iyo xulka Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang oo ah 30 jir heshiiskiisa Emirates Stadium uu hal sano oo kali ah ka hadhsan yahay. (Le10Sport)

Everton waxay hoggaanka u qabatay tartanka difaaca Barcelona ee Jean-Clair Todibo. 20 jirkan difaaca ah ayaa xili ciyaareedkan amaah ugu maqan Schalke. (Sport)

Leicester waxay Manchester City, Wolves iyo Everton kaga horreysaa difaaca Celtic iyo xulka Norway ee Kristoffer Ajer oo 22 jir ah. (90min.com)

Wolves waxay danaynaysaa laacibka khadka dhexe ee Real Madrid ee Oscar Rodriguez oo amaah kula jooga Leganese. 21 jirkan waxa kale oo bartilmaameed uu u yahay Lazio. (Mundo Deportivo)

Khadka dhexe ee Dortmund iyo Germany ee Emre Can oo 26 jir ah ayaa sheegay in aanu waligii heshiis u saxeexi doonin Manchester United, sababtoo ah, “looma ogolaan doono” maadaama uu u ciyaaray Liverpool. (Bild)

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More