Man United Oo Saxeexeedii Ugu Muhiimsanaa Qarka U Saaran,

Dabcan waxaan wali si xog ah u furmin suuqa kala iibsiga ee xagaaga waxaana lagu jiraa bishii May balse kooxaha ugu waaweyn qaarada Yurub ayaa ah kuwo u tafo-xaydanaya suuqa iyagoo sii dajinaya qorshayaasha ay ku galayaan.

- Advertisement -

Dhammaan horyaalada Yurub ayaa dib u bilawday, qorshayaasha suuqa ayaa sidoo kale meesha yaala iyadoo horyaalka Premier League la shaaciyay in suuqiisu uu furnaan doono 27-ka bishan July ilaa 10-ka bisha October.

Man United ayaa ku dhaw inay heshiis 100 Milyan oo Pound ah la gaadho kooxda Borussia Dortmund oo ay ka doonayaan Jadon Sancho oo ah bar-tilmaameedkooda koowaad ee xagaaga. (The Sun)

Chelsea iyo Atletico Madrid ayaa qiimaynaya daafaca bidix ee kooxda Ajax iyo xulka Argentina ee Nicolas Tagliafico oo lala xidhiidhinayay Manchester City. (Sun)

Manchester City ayay ka go’antahay inay lasoo saxeexato garabka kooxda Valencia ee Ferran Torres balse u sheegtay kooxda ree Spain inaysan bixinayn wax ka badan 35 Milyan oo euro. (Marca)

Tababaraha Tottenham ee Jose Mourinho ayaa aaminsan in Oliver Skipp oo 19 sano jir ah dhawaana heshiis cusub saxeexay uu yahay kabtanka mustaqbalka kooxdaas, Skipp ayaa doonaya heshiis amaah ah inuu ku baxo si uu khibrad usoo helo balse Jose ayaa raba inuu haysto. (Evening Standard)

Manchester United ayaa daafaca ree Holland ee kooxdeeda ee Timothy Fosu-Mensah oo Is-aaragii Crystal Palace ciyaaray siinaysay fursad uu mustaqbalkiisa kooxda ugu dagaalamo xilli uu xiiso ka helayo kooxo ree Germany ah. (Manchester Evening News)

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay inuu doonayo inuu kooxda kusii haysto weeraryahan Alexandre Lacazette (Evening Standard)

Haddiiba Lacazette ama Aubameyang uu Arsenal ka baxo xagaagan, Arsenal ayaa bar-tilmaameed ka dhigan karta weeraryahanka ree France ee kooxda Celtic ee Odsonne Edouard (Bleacher Report)

Shir uu madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu la qaatay tababare Quique Setien ayaa lagu go’aamiyay inuu tababarahaasi ugu yaraan kulanka La Liga ka hadhay ee Alaves kooxda sii hoggaamiyo ilaa go’aan dambe. (Sport)

Weeraryahanka kooxda Gent ee Jonathan David oo bar-tilmaameed u ahaa Arsenal ayaa sheegay inuu doonayo ku biirista kooxda ree France ee Lille. (L’Equipe – in French)

Chelsea ayaa ka fikiraysa haddii ay daafac dhexe suuqa xagaaga bar-tilmaameedsan doonto xilli xiddigaha booskaas ee Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen aan wali heshiisyo cusub loo bandhigin. (Goal)

Tababare Mikel Arteta ayaa xiisaynaya inuu khadka dhexe ee kooxdiisa ee Dani Ceballos si xog ah kooxda ugula saxeexdo oo ay joogto ka dhigaan heshiiska amaahda ah ee uu Real Madrid ugaga yimid. (Daily Star)

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More