Mbappé oo hoggaaminaya liiska xiddigaha da’ayarta ciyaara…

(Yurub) 19 Maajo 2020. Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka qaranka France ee Kylian Mbappé ayaa hoggaaminaya liiska xiddigaha da’ayarta ciyaara kubadda cagta ee ugu mushaarka badan Yurub.

Haddaba waxaan warbixintan ku eegi doonaa Liiska 10-ka ciyaaryahan da’ayarta ah ee ugu mushaarka badan horyaalada kala duwan ee qaarada Yurub, waxayna kala yihiin sida tan.

1 – Kylian Mbappé, “Paris Saint-Germain” 352 kun pounds isbuucii, da’diisa waa 21 sano.

2- João Félix, “Atletico Madrid” 255 kun pounds isbuucii, da’diisa ayaa ah 20 sano.

3- Matthijs de Ligt, “Juventus”, 245 kun pounds isbuucii, da’adiisu waa 20 sano.

4- Christian Pulisic, “Chelsea” 230 kun pounds isbuucii, da’diisu ayaa ah 21 sano.

5- Gianluigi Donnarumma, “AC Milan”, 195 kun pounds isbuucii, isagoo jira 20 sano

6- Jadon Sancho, “Borussia Dortmund,” 190 kun pounds usbuucii, da’adiisu waa 19 sano

7 – Callum Hudson-Odoi, “Chelsea” 180 kun pounds isbuucii, wuxuuna jira 19 sano

8- Rodrygo “Real Madrid” 130 kun pounds isbuucii, da’adiisu waa 19 sano.

9 – Vinícius Jr., “Real Madrid”, 120 kun pounds isbuucii, da’adiisu waa 19 jir.

10- Erling Håland, “Borussia Dortmund,” 100 kun pounds isbuucii, da’diisu ayaa ah 19 sano.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More