RASMI: Barcelona Oo Shaacisay Liiska Ciyaartoyda Ay Kala

Tababare Quique Setien ayaa soo saaray liiska xiddigaha Barcelona ee uu kala hortagayo Atletico Madrid habeenka Talaadada ee kulanka Camp Nou.

- Advertisement -

Mustaqbalka Quique Setien ayaa shaki ku jiraa iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in lagu wargeliyay in laga ceyrinayo kooxda.

Ka hor inta uusan ka tagi shirkiisa jaraa’id, kooxda Barcelona ayaa shaacisay liiska ciyaartoyda ee ka qeyb galaya kulanka Camp Nou.

Warka wanaagsan ayaa ah in Sergi Roberto uu soo laabtay, halka Busquets uu isna ganaax ka soo noqday laakiin Frenkie de Jong iyo Ousmane Dembele ayaa weli dhaawacyo ku maqan.

Arthur Melo oo diidanaa inuu mar danbe xirto maaliyada Barcelona ka dib markii uu Axadii u saxiixay Juventus ayaa lagu soo daray liiska taasoo xiiso gaar ah leh.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku qasban inuu Barcelona sii joogo ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka La Liga ka hor inta uusan ku biirin kooxdiisa cusub ee Juventus.

Marka lagu darro Ansu Fati iyo Inaki Pena xiddigaha kale ee Barca B ee ku jira liiska la magacaabay waxaa ka mid ah Collado, Araujo iyo Monchu.

Liiska Oo Dhameystiran: Ter Stegen, Neto, Iñaki Peña, Semedo, Sergi Roberto, Lenglet, Piqué, Umtiti, Araujo, Jordi Alba, Junior Firpo, Busquets, Rakitic, Arturo Vidal, Arthur, Collado, Monchu, Riqui Puig, Griezmann, Messi, Luis Suárez, Braithwaite and Ansu Fati.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More