RASMI: Koox Caan Ah Oo Ay Aad Isku Neceb Yihiin Man United

Leeds United ayaa ku soo laabatay horyaalka Premier League ka dib 16 sannadood oo ay ka maqnaayeen.

- Advertisement -

Kooxda ka dhisan deegaanka Yorkshire ayaa ku soo laabatay horyaalka heerka koowaad ee Ingariiska ka dib markii kooxda West Brom ay caawa guuldarro ka soo gaartay Huddersfield.

Markii ugu danbeysay ee ay Leeds United ka ciyaarto Premier League waxay aheyd sannadkii 2004 iyadoo kooxdaan ay ka mid ah kooxaha ugu caasan uguna magaca weyn England.

Taageerayaasha Leeds ayaa durbaba isagu soo baxay banaanka garoonkooda Elland Roard iyagoo dabaaldegyo sameynaya inkastoo digniinaha Karona Fayras ay weli taagan yihiin.

Qiic ka sameysan midabada ay caanka ku yihiin ee jaalaha iyo buluuga ayaa hawada qariyay halka calaamadaha kooxda la suray taalada loo dhisan halyeeyga kooxda Billy Bremner.

Ciyaartoyda ayaa la arki karay iyagoo daaqada garoonka ka soo eegaya islamarkaana halkaas kala dabaaldegaya taageerayaasha hoos taagan.

Leeds waxay si aad ah u xafiiltamaan kooxda Manchester United iyadoo xafiiltankooda loo yaqaano Xafiiltankii Ubaxyada. Labada kooxood waxay ka dhisan yihiin waqooyiga England, laakiin deeganada ay kala tirsan yihiin ayaa xafiiltankooda u sabab ah iyadoo Leeds ay ka dhisan tahay Yorkshire halka Man United ay ka dhisan tahay Lancashire, iyadoo labadaan deegaan uu ka bilowday dagaalkii ubaxyada ee qarnigii 15aad.

Inkastoo Leeds iyo Man United ay 64 kiilomitir isku jiraan hadana si weyn ayay isku neceb yihiin iyadoo 80meeyadii ay taageerayaashooda feer isla dhici jireen inkastoo markii danbe dagaalka taageerayaasha uu qaboobay.

WE ARE BACK!!! @PremierLeague

— Leeds United (@LUFC) July 17, 2020

Tan iyo markii ay Leeds u dhacday heerka labaad sannadkii 2004  labo jeer ayay la ciyaareen Man United iyadoo taageerayaasha Leeds ay u arkaan Man United kooxda ay xafiiltamaan halka taageerayaasha Man United ay u arkaan Liverpool kooxda ay xafiiltamaan ka dib Man City, Chelsea iyo Arsenal.

Halkan ka daawo muuqaalka farxadii iyo damaashadii ciyaartoyda iyo jamaahiirta kooxda Leeds United

Elland Road as Leeds United are celebrating promotion. Leeds players at the window celebrating with fans outside pic.twitter.com/eUHlQOe8Tj

— indykaila News (@indykaila) July 17, 2020

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More