Real Madrid Oo Ugu Dambayntii Heshay Laacibka U Beddelaya…

In badan ayaa la is weydiiyey sida ay Real Madrid ku heli difaac leh tayo sarraysa oo kubadda cagta, xirfad hoggaamineed iyo naf-hurnimo aan dhamaad lahayn oo u beddeli kara kabtan Sergio Ramos oo muddo ka badan 15 sannadood wax walba usoo huray kooxda reer Spain.

Sergio Ramos oo ay da’diisu tahay 33 jir, waxa uu ku jiraa sannadihii ugu dambeeyey ee xirfaddiisa, waxaanay kooxdiisa Real Madrid ku qasban tahay inay diyaarsato ciyaartoy tayadiisa oo kale leh oo booskiisa dhaxla marka uu talax-gabo amaba ka fadhiisto ciyaaraha.

Sannadihii ugu dambeeyey, waxa Real Madrid ay samaysay saxeexyo difaac, sida Eder Militao, has eyeeshee waxa laga waayay astaamihii hoggaamineed ee uu ku baddali lahaa Ramos, waxaana farta lagu fiiqayaa xiddigo dhawr ah oo uu ka mid yahay laacibka Liverpool ee Virgil van Dijk, hase yeeshee, Los Blancos waxa ugu dambayntii indhaheedu qabteen beddelkii ugu habboonaa ee kabtankeeda.

Milan Skriniar waxa uu khadka dambe ee difaaca uga ciyaaraa Inter Milan, waana halyey daafac ahaan dhamaystiran oo ay u dheer tahay hoggaamin, waxaanu soo jiitay indhaha kooxo waaweyn sida Manchester United, hase yeeshee 25 jirkan ayaa la sheegay in Real Madrid ay ugu dambayntii ka dhigi doono beddelka Ramos oo ay Inter Milan u shubi doonto lacag kasta oo ay ciyaartoygeedan ku xidho.

Difaacan reer Slovakia oo muhiim u ah kooxda tababare Antonio Conte ee Inter Milan, ayaa la sheegay in Real Madrid ay ku heli karayso lacag dhan 70 milyan oo Euro, waxaana Inter Milan ay ku qasban tahay inay iibiso xagaaga soo socda ama sannadka ka dambeeya maadaama uu heshiiskiisu dhamaanayo badhtamaha sannadka 2023.

Waxa uu ka garab ciyaari doonaa Raphael Varane oo ay isku da’ yihiin, balse guulo badan lasoo gaadhay Real Madrid shantii sannadood ee ugu dambeeyey oo uu udub-dhexaad u ahaa Los Blancos.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy