RIKOODH: Lionel Messi Oo Rikoodh Taariikhi Ah Sameeyey Iyo

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa sameeyey rikoodh cajiib ah, kaddib markii uu gool rikoodhe qurux badan ah ka dhaliyey Atletico Madrid.

- Advertisement -

Messi oo saddex ciyaarood ah kusoo jiray abaar goolal la’aan ah oo ka hor taagnayd rikoodh u buuxinaya tirada 700 gool oo xirfaddiisa ah ayaa loo dhigay rikoodhe daqiiqaddii 49aad, waxaana uu si layaab leh isaga oo aan is dhigin gool-hayaha ugu diray dhinaca qaldan.

Qalad uu Felipe ku galay difaaca Barcelona ee Nelson Semedo oo orod kusoo gelayay xirada ganaaxa, waxaana markiiba kubadda la booday Lionel Messi oo gool-haye Oblak ku farsameeyey lugtiida bidix.

Goolkan ayaa noqday midkii 700aad ee uu Messi ka dhaliyo garoomada intii uu ku jiray, waxaanu ka caawiyey inuu ku daba-shido Cristiano Ronaldo oo hore u gaadhay diiwaankan.

Lionel Messi oo lix jeer kusoo guuleystay abaal-marintan Ballon d’Or ayaa fasal ciyaareedkan hoos u dhac dhinaca goolasha ah uu ku yimid, waxaana uu kasoo degay heerkiisii lagu yaqaanay ee uu kabta dahabka ah ee Yurub ugu tartami jiray.

Isku-geyn tirada guulasha uu LaLiga ka dhaliyey xili ciyaareedkan ayaa ah 22 gool oo uu ku jiro rikoodhahan uu rikoodhka ku sameeyey.

Si kastaba, Lionel Messi ayaa sii kordhisan karaya tirada goolashiisa Barcelona iyadoo la filayo in sannadka ka hadhay heshiiskiisa Barcelona lagu kordhiyo hal ama laba sannadood oo kale, kuwaas oo ka caawin doona inuu goolal badan oo kale la yimaaddo.

Halkan ka daawo goolka taariikhida ah ee Messi:

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More