Rio Ferdinand Oo Farta Ku Fiiqay Xiddiga Ka Faa’iiday

Daafacii hore Manchester United Rio Ferdinand ayaa daboolka ka qaaday xiddiga ay la tahay inuu wax badan oo faa’iido ah ka helay shaqo ka ceyrintii Jose Mourinho.

- Advertisement -

Anthony Martial ayuu aaminsan yahay inuu yahay xiddig dhibaato badan ku qabay hanaanka macalinka reer Portugal kaas oo sanadkii 2015 kusoo biiray Red Devils.

Louis Van Gaal ayaa xiddigaan ka dhigay da’yarkii ugu qaalisanaa kubadda cagta wakhtigaas, balse wuxuu lumiyay kalsoonida Jose Mourinho oo sanadkii 2016 la wareegay talada kooxda Shayadiinta cas-cas.

Hadda waxey wax walba u muuqdaan in Anthony Martial uu dib u dhashay mudada uu tababaraha yahay Ole Gunnar Solskjaer kaas shaqada ka badalay Mourinho dhamaadka 2018.

Martial wuxuu hadda qaadanayaa xilli ciyaareed cajiib ah maadaama ku lug yeeshay in ka badan 20-gool dhamaan tartamada oo dhan fasalkaan.

“Waxey ila tahay in Anthony uu ahaa mid muhiim ah, aniga ahaan wuu u baahnaa dib u dhiskaan” ayuu yiri Rio Ferdinand oo fadhiya istuudiyaha BT.

“Jose Mourinho wuxuu keenay Zlatan, wuxuu ka qaaday lambarka 9-aad, waxa ay ka dhibtay kalsoonida xiddiga kuuma sheegi karo, dhabtii taasi waa mid kalsoonida ka dishay”

Rio Ferdinand wuxuu aaminsan yahay in Anthony uu yahay dilaa marka lagu jiro xerada ganaaxa, dhalin karo goolal badan sidoo kalana xiddigaha kale misaan ku kordhin kara.

“Tayada uu ku ciyaaro, xirfadda, sida uu caaqil u yahay, waa waxa aan ku jeclaaday, wuxuu sameynayaa wax walba oo aad wakhtigaan ka rabto xiddig lambar 9-aad ah”

Ugu dambeyntii Ferdinand wuxuu aaminsan yahay in Anthony Martial uu si dib u dhashay, isla markaana uu yahay weeraryahan heer caalami ah.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More