Saxiixii Ugu Xumaa Ee Ay Sameysay Koox Walba Oo Premier

Suuqa kala iibsiga ee xagaagan waxa uu noqon doonaa mid aad u qariib ah.

- Advertisement -

Qiimaha ciyaartoyda waxa uu u soo dhici doonaa si aad u hooseyso madaama uu fayraska Karoona saameyn ku yeeshay dhaqaalaha. Si kastaba, kooxaha ay dhaqaalo xumida soo wajahday ayaa iska sii heysan doona ciyaartoyda ay heystaan bedelkii ay lacag qarashgareyn lahaayeen.

Kooxaha ma awoodaan inay sameeyaan saxiixyo qaali ah oo fashilma madaama dhaqaalihii kubada cagta uu burbur ku dhow yahay.

Waa wax aan macquul aheyn in saxiix walba uu noqdo mid lagu guuleysto.

Sidaasi darteed jariirada Daily Mail ayaa go’aansatay inay xusuusato saxiixii ugu xumaa ee koox walba oo Premier League ah ay sameysay.

Arsenal – Francis Jeffers

Arsene Wenger ayaa go’aansaday inuu 8 milyan ginni kula soo wareego Jeffers bedelkii uu la saxiixan lahaa Ruud van Nistelrooy.

Sideed gool uu dhaliyay 39 kulan uu saftay ayaa soo jeedineysa inay taasi aheyd qalad weyn.

Aston Villa – Bosko Balaban

AFC Bournemouth – Jordon Ibe

Brighton and Hove Albion –  Jurgen Locadia

Burnley – Ben Gibson

Chelsea – Fernando Torres

Isagoo geesi ka ah Liverpool ayuu ka tagay, wuxuu ku fashilmay Chelsea.

50 milyan ginni oo ay Chelsea ka bixisay Fernando Torres waxay ku heshay kaliya 20 gool uu ka dhaliyay 110 kulan oo Premier League ah.

Crystal Palace – Alexander Sorloth

Everton – Davy Klaassen

Leicester – Ade Akinbiyi

Liverpool – El Hadji Diouf

Garoonka dhexdiisa waxaa Diouf loo arkayay xiddig fashilmay oo laga soo bixiyay 10 milyan ginni madaama uu dhaliyay kaliya seddex gool 55 kulan oo Premier League ah uu saftay.

Garoonka banaankiiisa waxa uu kula soo baxay dabeecad xumo aad u weyn.

Manchester City – Wilfried Bony

Bony ayaa dhaliyay kaliya lix gool 36 kulan oo Premier League ah uu saftay ka dib markii uu 25 milyan ginni uga soo wareegay Swansea City.

Manchester United – Alexis Sanchez

Aad ayuu ugu fiicnaa Arsenal. Aad ayuu ugu xumaa Manchester United.

Biyaanadii uu ciyaarayay ayaa aheyd qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee Old Trafford.

Newcastle – Michael Owen

Norwich City – Ricky van Wolfswinkel

Sheffield United – Geoff Horsfield

Southampton – Dani Osvaldo

Tottenham – Roberto Soldado

Soldado waxaa laga soo bixiyay 26 milyan ginni laakiin waxa uu dhaliyay kaliya todoba gool labo sannadoo uu joogay White Hart Lane iyadoo kaliya labo ka mid ah uu ku dhaliyay ciyaar furan.

Watford – Steve Kabba

West Ham – Benni McCarthy

Wolves – Roger Johnson

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More