Shanta Weerar Ee Ugu Fiicnaa Taariikhda Premier League Oo

Horaantii isbuucaan Gary Neville ayaa sheegay in Carlos Tevez, Cristiano Ronaldo iyo Wayne Rooney inay ahaayeen seddexda weerar ee iska garab ciyaara ee ugu fiicnaa taariikhda Premier League.

- Advertisement -

Hadaba jariirada Daily Mail ayaa haatan qiimeyn ku sameysay shanta weerar ee ugu fiicnaa taariikhda Premier League.

5. Arjen Robben, Damien Duff and Didier Drogba (Chelsea)

Robben, Duff iyo Drogba waxay qeyb weyn ka ahaayeen guulihii Chelsea ee tababare Jose Mourinho.

Nasiibdarro dhaawacyada Duff iyo Robben ayaa sababay inaysan seddexda xiddig inta badan isla ciyaarin.

27 kulan oo ay isla ciyaareen hal mar lagama badinin waxayna badiyeen 25 ka mid ah. Waxay taasi ku tusineysaa sida ay u fiicnaayeen marka ay iska garab ciyaaraan.

4. Raheem Sterling, Leroy Sane and Sergio Aguero (Manchester City)

Sterling, Sane iyo Aguero ayaa wacdarro ka dhigayay Premier League xilli ciyaareedyadii ugu danbeysay.

Seddexda xiddig waxay qeyb weyn ka ahaayeen kooxda Manchester City ee qabsatay kubada cagta Ingariiska inta u dhaxeysay 2017-2019.

Nasiibdarro, Sane ayaa dhaawac halis ah uu soo gaaray xilli ciyaareedkan, waxayna u badan tahay inuu xagaaga ku biiri doono Bayern Munich.

3. Robert Pires, Dennis Bergkamp and Thierry Henry (Arsenal)

Waqtigii guulaha ee Arsenal ee 2001 ilaa 2005 waxaa ugu wacnaa seddexdaan weeraryahan.

Pires waxa uu wacdarro ka dhigayay garabka halka Bergkamp iyo Henry ay ahaayeen labada weeraryahan ee ugu awooda badan taariikhda Premier League.

Wadar ahaan waxay isla ciyaareen 128 kulan waxayna dhaliyeen 272 gool.

2. Mohamed Salah, Sadio Mane and Roberto Firmino (Liverpool)

Seddexda weeraryahan ee Liverpool ayaa ah waqti xaadirkaan kuwa ugu fiican dunida.

Salah iyo Mane waxay argagax geliyaan daafacyada garbaha isbuuc walba iyadoo awood u leh inay dhaliyaan goolal badan.

Firmino goolal badan kuma darsado laakiin awoodiisa uu ku caawin kara Salah iyo Mane ayaa muhiim weyn ah.

Wadar ahaan waxay gacan ka geysteen 178 gool 81 kulan oo ay isla ciyaareen.

1. Cristiano Ronaldo, Carlos Tevez and Wayne Rooney (Man United)

Ronaldo, Tevez iyo Rooney waxay ahaayeen wax kale.

Xilli ciyaareedkii 2007-08, waxay wadar ahaan dhaliyeen 79 gool iyagoo sameeyay 30 caawin. Waana lambar waali ah.

Awoodooda weerar ayaa keentay in Manchester United ay hanato xilli ciyaareedkaas Premier League iyo Champions League.

Wadar ahaan waxay dhaliyeen 93 gool 42 kulan oo ay isla ciyaareen.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More