Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Arsenal vs Manchester City –

Tartanka FA Cup ayaa caawa iyo habeen dambe ay kooxuhu ku kala bixi doonaa, waxaana kulanka hore isku ballansan Arsenal iyo Manchester City oo midkooda soo gudubta ay sugi doonto Chelsea iyo Manchester United midkooda soo gudba habeen dambe.

- Advertisement -

Manchester City oo xili ciyaareedkii hore ku guuleysatay koobka, kuna garaacday Watford oo ay finalkii iskugu soo baxeen ayaa doonaysa inay difaacato, laakiin Arsenal ayaa soddonkii sannadood ee ugu dambeeyey saaxiib la ahayd Wembley oo ay kulamadani ka dhacayaan, waxaanay ku qaadday 13 koob oo FA Cup ah.

Mikel Arteta iyo Pep Guardiola ayay u tahay ciyaartii labaad ee ay iska hor yimaaddaan, waxaana kulankoodii hore oo ahaa Premier League 3-0 kusoo bayey Guardiola, hase yeeshee markan ayuu Arteta soo xushay shax xooggan oo niyad wanaagsan kasoo heshay guushii ay ka gaadheen Liverpool, taas oo ka caawin karta inay finalka FA Cup tagaan.

Pep Guardila ayaa ciyaarta kusoo bilaabay shax xooggan oo ah tii uu hore ugaga badiyey Arsenal bishii June, waxaanu soo qaddimay Raheem Sterling, Gabriel Jesus iyo Riyad Mahrez oo afka hore.

Khadka dhexe ayay wada taagan yihiin saddexda ruug-caddaa ee David Silva, Kevin de Bruyne iyo Ilkay Gundogan.

Difaaca ayay laba ciyaartoy ee reer France ee Laporte iyo Mendy garab ka dhiganayaan Garcia iyo Walker, halka uu goolhaye Ederson fursadda u diiday Carson.

Arteta ayaa dhinaciisa lasoo galay hubka ugu culus ee uu haysto, waxaana afka hore ku mataaneeyey saddexlayda Aubameyang, Lacazette iyo Pepe, khadka dhexena waxa uu kusoo bilbaabay Xhaka, Maitland-Niles iyo Ceballos, halka uu difaaca adkeeyey oo uu Mustafi, Luiz, Tierney iyo Bellerin wada keenay

Qaab-Ciyaareedka rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester City: Ederson, Walker, Garcia, Laporte, Mendy, Gundogan, D Silva (C), De Bruyne, Mahrez, Jesus, Sterling

Kaydka: Carson, Stones, Zinchenko, Bernardo, Rodrigo, Fernandinho, Cancelo, Otamendi, Foden

Arsenal: Martinez, Mustafi, Luiz, Tierney, Bellerin, Ceballos, Xhaka, Maitland-Niles, Pepe, Lacazette, Aubameyang

Kaydka: Macey, Holding, Sokratis, Kolasinac, Torreira, Smith, Willock, Nelson, Saka

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More