Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Leganes vs Real Madrid – Miyuu

Real Madrid ayaa kulankeedii ugu dambeeyey xili ciyaareedka marti ugu ah Leganes, waana Is-aaragii ugu horreeyey ee ay ciyaaraan intii ay horyaalka LaLiga ku guuleysteen Khamiistii.

- Advertisement -

Los Blancos waxay doonaysaa in garoonka Butarque ay ku gaadho guul sii kordhisa kulamada xidhiidhka ay ee ay sida joogtada ah u guuleysanayaan oo kasoo bilaabmay ciyaartii ugu horreysay ee horyaalka dib loogu soo laabtay.

Zinedine Zidane ayaa isbeddel ku sameeyey safka kooxdiisa kulankan, waxaanu kaydka dhigay Thibaut Courtois, Dani Carvajal, Raphael Varane, Luka Modric, Toni Kroos, laakiin waxa uu ka maarmi waayey saddex ciyaartoy oo kaliya oo ruug-caddaayada ah, kuwaas oo ah Sergio Ramos, Casemiro iyo Karim Benzema oo doonaya inuu dhaliyo afar gool si uu usoo qabto Lionel Messi oo uu abaal-marinta Pichichi ee gool-dhalinta ugu qabsan karo.

Goolhayaha amaaha kula jooga Real Madrid ee Areola ayaa beddelay Courtois, difaaca midigna waxa uu Zidane keenay Lucas Vazquez iyadoo uu kaydka dhigay Dani Carvajal iyo Militao oo yimid booska Varane, halka Mendy uu booskiisa xajistay maadaama uu dhaawacan yahay Marcelo. Khadka dhexe waxaan la taabanin Casemiro, laakiin labadiisii garab ee Modric iyo Kroos ayaa kaydka loo diray waxaana kusoo bilowday Valverde iyo Isco, halka weerarkana ay Asensio iyo Vinicius kusoo garab bilaabanayaan Vinicius Junior.

Qaab-Ciyaareedka rasmiga ah ee kulanka Leganes & Real Madrid

Real Madrid XI: Areola, Lucas Vázquez, Ramos, Militao, Mendy, Casemiro, Valverde, Isco, Asensio, Benzema, Vinicius.

Leganes XI: Cuellar, Tarin, Bustinza, Siovas, Rosales, Mesa, Amadou, Silva, Gil, Ruibal, Guerrero.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More