Shaxda Ugu Qaalisan Kubada Cagta Oo La Soo Saaray, Ronaldo,

Shanta horyaal ee ugu waa weyn kubada cagta Yurub waxaa ka buuga xiddigo waa weyn oo heer caalami ah.

- Advertisement -

England waxaa jooga xiddigaha sida Raheem Sterlimg, Virgil van Dijk iyo Kevin de Bruyne oo ka ciyaara horyaalka Premier League.

Spain waxay hooy u tahay Eden Hazard, Lionel Messi iyo Antoine Griezmann halka Serie A ay joogaan xiddigaha sida Cristiano Ronaldo, Paolo Dybala iyo Romelu Lukaku.

Germany waxaa jooga xiddigaha sida Robert Lewandowski, Jadon Sancho iyo Erling Haaland iyo dabcan Faransiiska oo ay joogaan xiddigaha sida Neymar iyi Kylian Mbappe.

Xiddigo badan oo tayo leh ayaa ka xamaasha qaarada Yurub, laakiin waligaa ma isweydiisay shaxda xiddigaha ugu qiimaha badan kubada cagta dunida.

Shabakada Transfermarkt ayaa shax ka sameysay xiddigaha ugu qaalisan boos walba, waxay dhamaantood ka ciyaaraan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaarada Yurub.

Lacagta lagu qiimeeyay xiddigaan waa qiimaha ay haatan ka joogaan suuqa kala iibsiga, ma ahan lacagtii lagu soo iibsaday

Goolhaye | Jan Oblak | Atletico Madrid | £72m

Daafac bidix | David Alaba | Bayern Munich | £58.5m

Daafac dhexe | Virgil van Dijk | Liverpool | £72m

Daafac dhexe | Matthijs de Ligt | Juventus | £60.75m

Daafac midig | Trent Alexander-Arnold | Liverpool | £89.1m

Burburiye khadka dhexe | N’Golo Kante | Chelsea | £72m

Burburiye khadka dhexe | Paul Pogba | Manchester United | £72m

Kubadsameeye | Kevin De Bruyne | Manchester City | £108m

Garab bidix weerar | Raheem Sterling | Manchester City | £115.2m

Garab midig weerar | Mohamed Salah | Liverpool | £108m

Gooldhaliye | Kylian Mbappe | PSG | £162m

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More