“Si Xun Ayuu Mourinho Iila Dhaqmay, Maalin Kaliya Ilama…

December 2018 ayaa Jose Mourinho laga caydhiyey shaqada Manchester United, kaddib markii ay 11 dhibcood ka hoos martay kooxda kaalinta afraad ku jirta horyaalka, waxaana shaqada si-kumeelgaadh ah ula wareegay Ole Gunner Solskjaer oo markii dambe si rasmi ah shaqada loogu dhiibay.

Joshua Bohui oo ka mid ahaa ciyaartoyda da’yarta ah ee kasoo baxay kulliyadda Manchester United, waxay u ahayd farxad maqalka warka shaqada lagaga eryey Mourinho, sababtoo ah, waxa uu dhibaato badan kala kulmay macallinka reer Portugal muddadii uu joogay Old Trafford.

Joshua Bohui oo xagaagii tegay ku biiray kooxda NAC Breda ee ka dhisan Netherlands, kaddib markii uu ku guul-darraysatay inuu ka mid noqdo safka koowaad ee Man United, waxa uu sheegay in waqtigii Mourinho ay yarayd fursadda ay ciyaartoyda da’da yari helayaan oo aanu wax jaanis ah sinaynin, halka uu Ole Gunnar Solskjaer kalsooni siiyey Mason Greenwood, Tahith Chong iyo Brandan Williams.

Bohui waxa uu tilmaamay in isagu uu si shaqsi ah u dhibaatooday xilligii Mourinho oo xattaa aanu la hadli jirin garoonka tababarka, iska daa inuu talooyin iyo farsamooyin ciyaareed siiyo e, waxaanu yidhi: “Markii uu jose hlkaa joogay, wax fursad ah maanaan helaynin aniga, Mason, Angel Gomes ama Chong, laakiin hadda Ole waxa uu keenay xaalad ka duwan, waxaana ka jira faham iyo ruux kale meesha.

“Jose si wanaagsan iilama dhaqmi jirin, taas oo ay warbaahintuna buunbuuniyeen, kaliya waxay ahayd in aanay muuqanin waddo cad oo uu aniga iga damacsan yahay. Garoonka tababarka, waligii igalama hadal si aan wax wanaagsan u sameeyo, mararka qaarkood, waxaan fahmi waayayey waxa uu iga doonayo aniga.

“Sidoo kale waxaan dareemay in aanu ahayn mid loo dhowaan karayo. Haddii aan ogaan lahaa inaan si fiican u samaynayo tababarka, isagu ima taageeraynin.”

Bohui, laba jeer ayuu iska diiday heshiis ay Manchester United u bandhigtay inuu kula sii joogo, waxaanu go’aansaday inuu iskaga tago kooxda uu sannadkii 2016 kaga soo biiray Brentford, laakiin waxa uu ku faraxsan yahay in Manchester United ay shaqada ka caydhisay Jose Mourinho, waxaanu yidhi: “Kooxda oo dhan ayay sidani u wanaagsanayd. United waxay leedahay qaab ciyaareed oo aanu isagu keenin, markaa waxay ahayd in la beddelo.”

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy