Sidee Ayuu Zinedine Zidane Tababarka Ugu Qaybiyey

Tababaraha Real Madrid, Zinedine Zidane ayaa hormooyin ugu qaybiyey ciyaartoydiisa tababarkii maanta, kuwaas oo si caad ah u samaynayay kubbad-dheelis, orod iyo jimicsiyada kala duwan.

- Advertisement -

Luka Jovic iyo Mariano Diaz oo dhaawac ah ayaa ka maqnaa, waxaana kasoo xaadiray tababarka 22ka AxadleTM ee kale ee kooxda oo tababare Zidane uu u qorsheeyey qaab ku dhisan boosaska ay ka ciyaaraan.

Kooxda koowaad, ayaa waxay koobnaayeen difaacyahanno dhamaystiran, waxaana ku xigay laacibiinta khadka dhexe iyo weeraryahannada oo lagu kordhiyey labada AxadleTM ee Toni Kroos iyo Fede Valverde.

Eder Militao, Raphael Varane, Dani Carvajal, Sergio Ramos, Nacho iyo Marcelo, oo lagu daray Javi Hernandez oo ka tirsan kooxda da’yarta ayaa hormada koowaad noqday, waxaana soo raacay Casemiro, Luka Modric, Isco, Gareth Bale, Rodrygo Goes, Brahim Diaz iyo Marco Asensio oo qaybta labaad ah.

Kooxda saddexaad ayaa ahayd Toni Kroos, Fede Valverde, Lucas Vazquez, James Rodriguez, Vinicius, Karim Benzema iyo Eden Hazard.

Marco Asensio oo kasoo laabtay dhaawac haleelay ciyaarihii saaxiibtinimo ee ka hor intii aanu bilaabmin xili ciyaareedkii hore iyo Eden Hazard oo qalliin ku galay waddanka Maraykanka markii uu dhaawac ka gaadhay kuraanta ayaa xidhnaa kabo ka duwan ciyaartoyda kale ee midabkoodu casaan yahay, si ciyaartoyda kale ay u xasuusnaadaan inay taxadar sameeyaan maadaama ay labadooduba dhaawacyo dhaadheer kasoo laabteen.

Saddexdan hormo oo labada dambe ay tahay min toddoba ciyaartoy ayuu tababare Zinedine Zidane koox walba siiyey waqti u gaar ah oo ay tababarka qaataan.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More