Taageerayaasha Oo U Codeeyay Midka Wanaagsan Wayne Rooney

Sergio Aguero ayaa guulo badan gaaray tan iyo markii uu ku biiray kooxda Manchester City.

- Advertisement -

Waxa uu kooxda ku biiray sannadkii 2011 isagoo u dhaliyay 180 gool 261 kulan uu saftay horyaalka Premier League.

Goolashiisa ayaa ahaa kuwa muhiim ah Manchester City iyagoo waqtigaas qaaday 13 koob oo ay ka mid tahay afar koob oo Premier League ah.

Shaki la’aan waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican taariikhda Premier League. Laakiin isaga iyo Wayne Rooney midkee fiican?

Labada nin waa weeraryahano aad u kala duwan.

Marka la eego kulamada ay ciyaareen iyo goolasha ay dhaliyeen waxaa fiican Aguero oo gool ku dhaliyay celcelis ahaan 0.69 halka Rooney uu ku dhaliyay 0.42

Laakiin xiddiga Ingariiska waxa uu ahaa ciyaaryahan dhameystiran. Farsamo ahaan waa uu ka fiicnaa Aguero, waxa uu sameeyay caawin ka badan halka uu sidoo kale kubada difaacan jiray.

Labaduba waxay ahaayeen xiddigo cajiib ah, laakiin ayay taageerayaasha kubada cagta aaminsan yihiin inuu fiicnaa?

Shabakada Givemesport ayaa weydiisay taageerayaasha kubada cagta ee Facebook inay u kala codeeyaan labada ciyaaryahan.

Waxaa codeysay 129 kun taageerayaal ah iyadoo boqolkiiba 57 ay codkooda siiyeen xiddigii hore ee Manchester United iyo Everton.

Xiddigii hore ee Premier League Darren Bent ayaa isna sidoo kale aaminsan in Rooney uu ka fiicnaa Aguero.

Markii la weydiiyay haddii xiddiga reer Argentina uu ka fiicnaa Rooney, waxa uu ku jawaabay: “Ma dhici karto taas.

“Haddii aad ka hadleyso ciyaaryahan dhameystiran, ma dhici karto. Rooney wax walba ayuu heystay. Laguma aqoonin gool dhalin badan laakiin waxa uu dhaliyay in ka badan 200 gool. Waa wax cabsi leh.”

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More