Waa Kuma Xiddiga Liverpool Ee Aan Waligiis Looga Badinin

Shalay oo Axad aheyd waxay ku beegneyd afar sanno guuradii ka soo wareegtay markii ay Liverpool 34 milyan ginni ka soo bixisay Sadio Mane.

- Advertisement -

Waqtigaas, taageerayaal badan oo Liverpool ma aysan garaneynin wax ay ka yiraahdaan saxiixiisa. Inkastoo uu wacdarro u dhigaayay Southampton hadana waxaa la isweydiinayay ma u qalmaa lacagtaas?

Jawaabta waa: Haa waa uu u qalmaa shilin walba oo lacagtaas ka mid ah.

Tan iyo markii uu u soo wareegay Anfield sannadkii 2016, Mane ayaa wacdarro u dhigayay Reds.

163 kulan ayuu u saftay Liverpool isagoo u dhaliyay 78 gool, wuxuu ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa ka caawiyay hanashada Champions League, Super Cup, Club World Cup iyo haatan Premier League.

Laakiin waxaa jira xog si cad u muujineysaa muhiimadiisa kooxda.

Saido Mane weli lagama badinin kulan horyaalka ah isagoo ku ciyaaraya Anfield tan iyo markii uu yimid Liverpool.

Guuldaradii ugu danbeysay ee Liverpool gurigeeda ku soo gaartay ee Premier League waxay aheyd bishii April 2017 kulan ay la ciyaarayeen Crystal Palace. Si kastaba, Mane qeyb kama aheyn kooxda markaas isagoo ku maqnaa dhaawac jilibka ah.

Tan iyo markaasna lagama badinin kooxda.

Waxay tani muujineysaa muhiimada uu Mane u leeyahay kooxda Liverpool, inkastoo aan magaciisa loo sheegin si la mid ah Mohamed Salah iyo Roberto Firmino.

Taageerayaasha ayaa inta badan sheega in Alisson, Virgil van Dijk ama Salah uu yahay saxiixii ugu fiicnaa Jurgen Klopp ee Liverpool laakiin waxaa hubaal ah in liiskaas uu ku jiro Sadio Mane.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More