Weli Ma Aragtay Ashley Young Oo Timo Badan Leh? Daawo

Ashley Young ayaa yeeshay timo badan  sababo la xiriira fayraska Karoona oo hakad geliyay isku socodkii England iyo Italy madaama ra’iislaha ama timo jarahihiisa uu joogo UK.

- Advertisement -

Kabtankii hore ee Manchester United ayaa ku xanibnaa magaalada Milan tan iyo bilowgii bishi March caabuqa Karoona darteed.

Laakiin iyadoo kooxaha Talyaaniga ay tababarka ku soo laabteen isbuucaan, Young ayaa la soo baxay timo badan.

Xiddigii hore ee xulka England ayaa madaxa uu u xiirnaan jiray tan iyo markii uu Aston Villa kaga soo biiray Watford sannadkii 2007 iyadoo taageerayaasha ay amakaak ku noqotay muuqaalkiisa cusub.

Tobi Samuel Snow ayaa Twitter ku soo qortay: “Ashley Young iyo timo? Marka aad ka tagto Manchester United, wax walba waxay bilaabayaan inay shaqeeyaan”

Taageere ayaa soo qoray: “Ashley Young timo ayuu lahaa. Waligeey kuma fekerin inaan arki doono.”

Mid kale ayaa yiri: “Yaa kale oo arkaya Ashley Young oo timo leh markii ugu horeysay abid.

Taageero kale ayaa soo qoray: “Yaa ogaa in Ashley Young uu timo deysan karo?”

Mid afaraad ayaa yiri: “Timo jare ma furno sidaasi darteed muuqaal cusub ayay u tahay Ashley Young”

Kooxaha Talyaaniga ayaa isku diyaarinaya inay dib u bilaabaan horyaalka Serie A bisha soo socota si la mid ah horyaalada Ingariiska iyo Spain.

Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalkii uu sida xun u saameeyay caabuqa Karoona inkastoo haatan ay ka soo kabanayaan islamarkaana uu hoos u dhacay tirada kiisaska cusub ee uu soo ridanayo caabuqa.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More