Xiddig Magac Leh Oo Xaaskiisa Ay Kansar Qabto Oo Ka Baqaya…

Radja Nainggolan ayaa u baqaya caafimaadka xaaskiisa iyadoo dunida uu ku faafayo caabuqa Coronavirus iyadoo haatanba la ildaran cudurka kansarka.

Nainggolan ayaa ka baqaya inuu ku dhaco caabuqa halista ah islamarkaana uu u gudbiyo xaaskiisa Claudio taasoo u dhiman karta caabuqa madaama difaaceeda jirka uu wiiqay daawada kansarka ee ay qaadato.

Dalka Talyaaniga ayuu si xun u saameeyay caabuqa Coronavirus iyagoo dhawaan ka sarre maray tiradii caabuqa u dhimatay dalka Shiinaha. Ku dhawaad 7500 qof ayaa u dhimatay iyadoo uu caabuqa ku dhacay 75 kun qof.

“Coronavirus waa dhibaato weyn, waa arinta kaliya aan ka hadleyno haatan” ayuu xiddiga khadka dhexe ee xulka Belgium iyo Cagliari ku soo qoray Instagram.

“Cusbitaalada waan ka fogaanay, waxaan sidoo kale dib u dhignay qaadashada daawada kansarka ee xaaskeyga.

“Sidaasi darteed waxaan rajeyneynaa in xaaladaan ay si degdeg ah ku soo dhamaato sababtoo ah difaaca jirka ee Claudia waa mid aad u daciif ah.

“Waxay ka fogaanyesaa cusbitaalada. Waxaa jira liis sugitaan ah oo lagu ogaanayo waqtiga ay aadi doonto cusbitaalka.

“Haatan marka aan aado dukaameysiga, waxaa jirta halis aan ku soo qaadi karo caabuqa. Marka aan guriga imaado, waxaan ka baqaa inaan u gudbiyo iyada, laakiin taxadar dheeraad ah ayaan muujiyaa, waxaana qabaa in wax walba ay fiican yihiin.

“Waxaan durbaba soo marnay waqtigii ugu adkaa, wax walba wadadii saxneyd ayay ku socdaan haatan.”

Claudia Lai Nainggolan oo ay isguursadeen Radja sannadkii 2011 ayaa waxay 31 jirkaan u dhashay gabar iyadoo cudurka kansarka laga helay xagaagii la soo dhaafay.

Radja Nainggolan ayaa amaah uga soo maqan Inter Milan isagoo jooga kooxda Cagliari.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy