Xiddigihii Goolasha Iyo Caawinta Ugu Badan Ka Wada Sameeyey

Frank Lampard iyo Didier Drogba ayaa noqday labadii ciyaartoy ee rikoodhka ugu wanaagsan ka sameeyey horyaalka Premier League, kaddib markii ay kaalinta koowaad ka galeen laacibiintii goolasha iyo caawinta ugu badan hal xili ciyaareed isa-siisay, isla markaana kooxdooda ka caawiyey inay hanato hroyaalka Premier League.

- Advertisement -

Drogba iyo Lampard Lampard waxay hal xili ciyaareed iska kaashadeen in Chelsea ay u dhaliyaan 24 gool, waxaana kaalinta labaad soo galay David Silva iyo Sergio Aguero oo Manchester City ah oo sameeyey 21 gool oo caawinta iyo dhalintaba ay labadoodu ku kaliyeysteen.

Khubarada ee Machael Cox iyo Sam Lee ayaa raad-raac ku sameeyey taariikhda horyaalka Premier League, waxaanay soo bandhiggeen lamaaneyaasha is-fahamka wanaagsan kusoo qaatay garoomada ee dhaliyey goolasha ugu badan iyagoo isgarabsanaya.

Labadan kbaiir oo ka tirsan wargeyska The Athletic ayaa waxa shaaciyeen 16-ka lamaane ee taariikhda horyaalka Premier League baalka dahabka ah kaga xusan ee loo diiwaangeliyey goolasha iyo caaiwnta ugu badan, kuwaas oo u badan laacibiin hadda garoomada kusii jirta.

Halyeeyadii Liverpool ee Steve McManaman iyo Robbie Fowler ayaa kaalinta saddexaad soo galay, waxaanay Reds u saxeexeen 20 gool oo ay iyagu dhaliyeen, kubaddana isku caawiyeen, waxaana afraad soo galay Kevin de Bruyne iyo Sergio Aguero oo 19 gool wada sameeyey.

Halkan ka akhriso xogta oo dhamaystiran:

=11 | Caawiye: Riyad Mahrez
Gool-dhaliye: Jamie Vardy
Kooxda: Leicester
Goolasha: 14

=11 | Caawiye: Mesut Ozil
Gool-dhaliye: Oliver Giroud
Kooxda: Arsenal
Goolasha: 14

=11 | Caawiye: Theo Walcott
Gool-dhaliye: Robin van Persie
Kooxda: Arsenal
Goolasha: 14

=11 | Caawiye: Ashley Young
Gool-dhaliye: John Carew
Kooxda: Aston Villa
Goolasha: 14

=11 | Caawiye: Ryan Giggs
Gool-dhaliye: Andy Cole
Kooxda: Manchester United
Goolasha: 14

11 | Caawiye: Laurent Robert
Gool-dhaliye: Alan Shearer
Kooxda: Newcastle
Goolasha: 14

10 | Caawiye: Thierry Henry
Gool-dhaliye: Freddie Ljungberg
Kooxda: Arsenal
Goolasha: 15

=8 | Caawiye: Dele Alli
Gool-dhaliye: Harry Kane
Kooxda: Tottenham
Goolasha: 16

8 | Caawiye: Nolberto Solano
Gool-dhaliye: Alan Shearer
Kooxda: Newcastle
Goolasha: 16

7 | Caawiye: Robert Pires
Gool-dhaliye: Thierry Henry
Kooxda: Arsenal
Goolasha: 17

=5 | Caawiye: Christian Eriksen
Gool-dhaliye: Harry Kane
Kooxda: Tottenham
Goolasha: 19

5 | Caawiye: Kevin De Bruyne
Gool-dhaliye: Sergio Aguero
Kooxda: Manchester City
Goolasha: 19

=3 | Caawiye: Steve McManaman
Gool-dhaliye: Robbie Fowler
Kooxda: Liverpool
Goolasha: 20

3 | Caawiye: Darren Anderton
Gool-dhaliye: Teddy Sheringham
Kooxda: Tottenham
Goolasha: 20

2 | Caawiye: David Silva
Gool-dhaliye: Sergio Agüero
Kooxda: Manchester City
Goolasha: 21

1 | Caawiye: Frank Lampard
Gool-dhaliye: Didier Drogba

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More