XOG: 30ka Kooxood Ee Goolasha Ugu Badan Dhaliyey Qarniga

Qarniga 21aad, waxa dhamaad ku dhow 20kii sannadood ee ugu horreeyey, waxaana sannadahaas dunida wacdaro ka dhigayay kooxo wali aan ka bixin oo intooda badan sii talinaya.

- Advertisement -

Muddadan waxa kale oo dunida soo maray ciyaartooyo waaweyn oo goolashii ugu badnaa dhaliyey, halka tababareyaal guulo waaweyn gaadhayna ay taariikhda qarniga 21aad iyo dhamaadka qarnigii horeba ku suntan yihiin.

Kooxdii uu dhistay Frank Rijkaard ee ay kasii dhaxleen Pep Guardiola, Villanova, Roura, Tata Marino, Luis Enrique, Ernesto Valverde illaa laga soo gaadhayay Quique Setien ee Barcelona ayaa noqotay kooxda goolasha ugu badan dhalisay qarniga 21aad.

Laakiin dhinaca ciyaartoyda ayaa waxa iyagana goolasha ugu badan dhaliyey Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, halka ay wacdaraha layaabka lehna garoomada ka dhigayeen ciyaartooyo ay ku jiraan Neymar, Andres Iniesta, Ronaldinho, Kaka, Xavi, Zlatan Ibrahimovic, Thierry Henry iyo kuwo kale oo badan oo qaarkood wali garoomada ku jireen, kuwo kalena ka fadhiisteen ciyaaraha.

Qaniga 21aad oo kasoo bilaabmay sannadkii 2000, waxa xog buuxda ka diyaarisay shabakadda qiimaynta iyo xog ururinta ee Tranfermarkt, waxaana lasoo bandhigay 30kii kooxood ee goolasha ugu badan soo dhaliyey.

Halkan kaga bogo 30ka kooxood ee goolasha ugu badan dhaliyey

30. Leicester City (997 – ciyaarood, 1448 gool)

29. Sheffield United (1001 – ciyaarood, 1449 gool)

28. Leeds United (1047 – ciyaarood, 1492 gool)

27. Villarreal (1034 – ciyaarood, 1493 gool)

26. AS Monaco (967 – ciyaarood, 1498 gool)

25. Napoli (948 – ciyaarood, 1505 gool)

24. Marseille (1002 – ciyaarood, 1509 gool)

23. Schalke (934 – ciyaarood, 1525 gool)

22. Werder Bremen (875 – ciyaarood, 1575 gool)

21. Lazio (995 – ciyaarood, 1596 gool)

20. Atletico Madrid (1074 – ciyaarood, 1682 gool)

19. AC Milan (1025 – ciyaarood, 1683 gool)

18. Valencia (1083 – ciyaarood, 1709 gool)

17. Bayer Leverkusen (929 – ciyaarood, 1727 gool)

16. Borussia Dortmund (921 – ciyaarood, 1727 gool)

15. Sevilla (1077 – ciyaarood, 1764 gool)

14. Tottenham (1042 – ciyaarood, 1772 gool)

13. Inter Milan (1040 – ciyaarood, 1775 gool)

12. AS Roma (1013 – ciyaarood, 1779 gool)

11. Juventus (1038 – ciyaarood, 1897 gool)

10. Lyon (1069 – ciyaarood, 1938 gool)

9. Manchester City (1024 – ciyaarood, 1963 gool)

8. Paris Saint-Germain (1077 – ciyaarood, 2033 gool)

7. Liverpool (1135 – ciyaarood, 2059 gool)

6. Manchester United (1169 – ciyaarood, 2226 gool)

5. Chelsea (1156 – ciyaarood, 2227 gool)

4. Arsenal (1164 – ciyaarood, 2254 gool)

3. Bayern Munich (1060 – ciyaarood, 2496 gool)

2. Real Madrid (1162 – ciyaarood, 2633 gool)

1. Barcelona (1193 – ciyaarood, 2730 gool)

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More