Xulka Belgium oo kaalinta koowaad ka soo muuqday &…

(World) 11 Juun 2020. Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa shaaciyey qiimeynta billaha ah ee kala sarreynta xulalka Adduunka, waxaana kaalinta koowaad ka soo muuqday xulka qaranka Belgium.

Inkastoo Coronavirus oo kubadda cagta saameyn weyn ku yeeshay haddana waxaba iskama bedelin qiimeyntii billaha xulalka Adduunka ee FIFA.

Xulka ku guuleystay Koobka Adduunka 2018 lagu qabtay dalka Ruushka ee France ayaa kaalinta labaad ku sii jira oo aan wax isbedel ah sameynin, si la mid ah xulka Brazil oo kaalinta saddexaad fadhiya oo aysan waxba iska bedelin booskiisa bishii hore.

Xulka qaranka England ayaa soo galay kaalinta afaraad, Uruguay ayaa shanaad fadhiya, halka xulkii gaartay afar dhammaadka Koobkii Adduunka 2018 ee Croatia uu ka soo muuqday kaalinta lixaad, waxaana xulka Portugal uu hoos ugu dhacay kaalinta Todobaad.

Spain ayaa ku jira kaalinta 8-aad, halka xulka qaranka Argentina uu ka soo muuqday kaalinta sagaalaad.

Xulka qaranka Colombia ayaa dhammaystiray 10-ka sare ee kala sarreynta qiimeynta billaha ee xulalka adduunka ee FIFA.

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa laga waayey 10-ka sare, waxaana uu ka soo muuqday kaalinta 13-aad, Holland ayaa ku jira kaalinta 14-aad, halka Jarmalku uu ka soo muuqday kaalinta 15-aad.

Dhanka kale xulkeenna Soomaaliya ayaa sare u kac weyn sameeyey oo soo galay kaalinta 196-aad kaddib markii uu muddo badan ku jiray kaalimaha hoose 203-aad  iyo 204-aad, iyadoo aan sidoo kale kaalintaa la wadaagno xulka Gibraltar.

Xulka Jabuuti ayaa sare weyn u kac sameeyey waxaana uu ka soo muuqday kaalinta 184-aad, xulka Kenya uu joogo kaalinta 107, Ethiopia ayaana ku jira kaalinta 146-aad.

Gool FM.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More