11kii Xiddig Ee Todobaadkan Ugu Fiicnaa Champions League Oo

Shabakadda WhoScored.com oo ku caan ah ururinta xogaha kala duwan ee kubadda cagta ayaa markan soo xulatay shaxdeedii ugu fiicnayd tartanka xiisaha badan ee Champions League toddobaadkan oo ahaa midkii furitaanka.

Usbuucan oo ahaa midkii ugu horreeyay ee wareega Group-yada la furay ayay kooxaha qaar heleen natiijooyin boos wanaagsan u fadhiisinaya inay heerka xiga u gudbaan halka kuwa kale ay dhibaatooyin dareemeen.

Shaxda WhoScored ayuu goolhaye ka yahay Safonov oo ka tirsan kooxda Krasnodar isaga oo kooxdiisa kasoo caawiyay inay bar-bardhac lasoo gasho kooxda ree France ee Rennes oo ay booqdeen.

Labada daafac dhexe ee shaxdan ayaa kala ah Fabinho oo booskaas uga ciyaaray Liverpool kana caawiyay inay 1-0 kusoo jiidhaan Ajax oo ay martiyeen iyo Romero oo kamid ahaa xiddigihii Atalanta ee ka qayb qaatay guushii 4-0 ka ahayd ee ay Midtjyland lasoo galeen.

Labada daafac garab ee shaxdan ayay kusoo wada baxeen xiddigaha Juventus ee Danilo iyo Juan Cuadrado kuwaas oo Bianconeri kasoo caawiyay inay Dynamo Kyic 2-0 kaga soo adkaadaan.

Afar khad dhexe oo shaxdan ah ayay saddex kamid ah yeelatay Bayern Munich oo 4-0 meel iskaga saartay Atletico Madrid waxaana ay kala yihiin Coman iyo Goretzka oo goolal dhaliyay iyo Kimmich waxaana la midaysan Tete oo gool iyo caawin ku kala dhantaalay Real Madrid kana caawiyay Shakhtar guul dahabi ah.

Laba weeraryahan oo ay shaxdani leedahay ayaa kala ah kabtanka Barcelona ee Lionel Messi oo gool iyo caawin ka sameeyay ciyaartii ay kooxdiisu xaaqday Ferencvarosi iyo Duvan Zapata oo gool usoo dhaliyay Atlanta ciyaartii Midtjyland.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More