22 MAALMOOD: Joan Laporta Oo Haysta 22 Maalmood Oo Uu Ku Dareeriyo

Barcelona ayuu xilli-ciyaareedka 2021/22 ee horyaalka LaLiga u bilaabmi doonaa 22 maalmood kaddib oo ku beegan August 15, waxaana inta ka horreysa u taalla shaqo adag oo ah inay isku dheelli -tiraan kharashkooda iyo dakhliga, iyagoo gaadhaya laynka loo jeexay ee aanay ka gudbi karin.

Madaxweyne Joan Laporta ayaa laga doonayaa in uu dersin ciyaartooyo ah ka diro kooxda maalmaha kooban ee u hadhay, si uu u yareeyo kharashka mushaharka kooxdiisa ee aadka u badan.

Hore waxa Barcelona uga tegay SAGAAL ciyaartoy oo ay ku jiraan Juan Miranda, Konrad de la Fuente iyo Francisco Trincao, kuwaas oo bixitaankoodu sababay in 35 milyan oo Euro oo mushahar ah ay meesha ka baxaan. Laakiin wali fari kama qodna, umana dhowa in ay Barcelona gaadho halkii laga doonayay.

Antoine Griezmann iyo Philippe Coutinho ayaa la hadal-hayaa in ay kooxdu iibin doonto amaba ay si kale u diri doonto, si ay lacag ku dhow 55 milyan oo Euro oo mushaharkooda ah ay meesha uga saarto.

Joan Laporta ayaa ogsoon in ay Barcelona geli karto khatar oo ay jabin doonto sharciga dhaqaale wanaagga ee FFP haddii aanay tiro ciyaartooyo ah iska dirin maalmaha kooban ee hadhay, sababtuna waa saxeexa cusub ee Lionel Messi oo sidii ciyaartoy cusub loo xisaabinayo maadaama qandaraaskiisii oo dhamaaday uu mar kale heshiis saxeexay.

Wargeyska Marca ayaa sheegay in Laporta uu ka fiirsanayo in uu kooxda ka diro labada ciyaartoy ee sare oo lagu daray Gerard Pique, Sergio Busquets, Sergi Roberto iyo Jordi Alba, si LaLiga ugu diiwaangeliyo saxeexyada cusub ee Memphis Depay, Sergio Aguero, Eric Garcia, Emerson Royal iyo Lionel Messi oo isaguna ku jira liiska xiddigaha diiwaangelinta u baahan maadaama sidii saxeex cusub lagu tirinayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More