50ka Difaac Ee Ugu Wanaagsan Dunida Waqtigan Oo La

Xiddiga dhaawaca kaga maqan Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa lumiyey booska koowaad ee difaacyahannada ugu wanaagsan dunida waqtigan, waxaana soo baxday qiimayntii ugu dambaysay ee waxqabadka laacibiinta khadka dambe ee goolka ilaaliya.

Van Dijk oo toddobaadkan haysata hadal-haynta ugu badan kaddib dhaawac culus oo soo gaadhay ayaa in muddo ah soo haystay difaaca ugu fiican dunida, waxaanu hoggaaminayay qiimayn kasta, laakiin qiimayntan ugu dambaysay ayaa uu xataa ka maqan yahay tobanka laacib ee ugu wanaagsan.

29 jirkan oo Liveprool ay January 2018 kaga soo iibsatay Southampton lacag dhanayd £75 milyan oo Gini, ayaa afartii ciyaarood ee ugu horreeyey ee uu u saftay kooxdiisa waxa  laga soo dhaliyey goolal badan, iyadoo uu qayb ka ahaa  xiddigihii ay Aston Villa 7-2 ugu dhiibtay Villa Park laba toddobaad ka hor.

Halyeyga Danny Murphy ayaa furay dood ah difaacyahannada ugu wanaagsanaa horyaalka Premier League abid, waxaanu Van Dijk ka dhigay midkii ugu fiicnaa  taariikhda isagoo xataa ka sarreysiiyey vaincent Komapnay, Rio Ferdinand iyo John Terry.

Haddaba, qiimayntii ugu dambaysay ee la sameeyey oo ay soo saartay FootballCritic ayaa waxay muujisay in Van Dijk aanu xataa ka mid ahayn 10ka difaac ee ugu wanaagsan dunida, waxaanu fadhiyaa booska 12aad.

Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa noqday difaaca ugu wanaagsan ee qiimayntan ugu dambaysay, waxaanu hoggaaminayaa liiska 50ka difaac ee waqti xaadirkan ugu wanaagsan oo la shaaciyey.

Sergio Ramos ayaa qiimayntan ka helay darajada 96 dhibcood, waxaana kusoo xiga difaaca Barcelona ee Gerard Pique oo 92 dhibcood haysta iyo Sven Bender oo Bayer Leverkusen ah oo ay isku mid yihiin, halka Dayot Upamecano iyo Presnel Kimpembe ay afraad iyo shanaad ku kala jiraan oo ay isku qiimayn yihiin.

Halkan kaga bogo qiimaynta 50ka difaac ee ugu wanaagsan dunida:

50. Ruben Dias (Manchester City): 81 rating

49. Nico Elvedi (Borussia Monchengladbach): 81 rating

48. Nicolas Otamendi (Benfica): 81 rating

47. Tyrone Mings (Aston Villa): 81 rating

46. Manuel Akanji (Borussia Dortmund): 81 rating

45. Yerry Mina (Everton): 81 rating

44. Murilo Cerqueira (Lokomotiv Moscow): 81 rating

43. Pedro Bigas (Eibar): 81 rating

42. Matthijs de Ligt (Juventus): 81 rating

41. Jan Vertonghen (Benfica): 82 rating

40. Joe Gomez (Liverpool): 82 rating

39. Andreas Christensen (Chelsea): 82 rating

38. Nikola Maksimovic (Napoli): 82 rating

37. Kalidou Koulibaly (Napoli): 82 rating

36. Diego Carlos (Sevilla): 82 rating

35. James Tarkowski (Burnley): 82 rating

34. Jonny Evans (Leicester City): 82 rating

33. Felipe (Atletico Madrid): 82 rating

32. Joseph Aidoo (Celta): 82 rating

31. Stefan Savic (Atletico Madrid): 82 rating

30. Thiago Heleno (Paranaense): 82 rating

29. Felix Uduokhai (Augsburg): 82 rating

28. John Brooks (Wolfsburg): 83 rating

27. Jonathan Tah (Bayer Leverkusen): 83 rating

26. Stefan de Vrij (Inter Milan): 83 rating

25. Aymeric Laporte (Manchester City): 83 rating

24. Simon Kjaer (AC Milan): 83 rating

23. Dimitrios Siovas (Huesca): 83 rating

22. Kurt Zouma (Chelsea): 83 rating

21. Robin Le Normand (Real Sociedad): 84 rating

20. Harry Maguire (Manchester United): 84 rating

19. Fernandinho (Manchester City): 84 rating

18. Clement Lenglet (Barcelona): 84 rating

17. Caglar Soyuncu (Leicester City): 84 rating

16. Matthias Ginter (Bayer Leverkusen): 84 rating

15. Michael Keane (Everton): 85 rating

14. Jules Kounde (Sevilla): 85 rating

13. Edmond Tapsoba (Bayer Leverkusen): 86 rating

12. Virgil van Dijk (Liverpool): 86 rating

11. Jerome Boateng (Bayern Munich): 86 rating

10. David Alaba (Bayern Munich): 86 rating

9. Pau Torres (Villarreal): 86 rating

8. Marquinhos (Paris Saint-Germain): 87 rating

7. Raphael Varane (Real Madrid): 87 rating

6. Mats Hummels (Borussia Dortmund): 87 rating

5. Presnel Kimpembe (Paris Saint-Germain): 88 rating

4. Dayot Upamecano (RB Leipzig): 88 rating

3. Sven Bender (Bayer Leverkusen): 89 rating

2. Gerard Pique (Barcelona): 92 rating

1. Sergio Ramos (Real Madrid): 96 rating

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More