AFAR Arrimood Oo Sameeyey Thomas Tuchel Oo Sabab U Noqday In Chelsea

Chelsea ayaa u gudubtay finalka FA Cup iyadoo ciyaar xarrago leh kusii muquunisay Manchester City oo ay kaga adkaatay 1-0, waxaana goolkaas u saxeexay Hakim Ziyech oo kubbad caaqiibo leh ka helay Timo Werner.

Blues ayaa soo afjartay riyadoo City ee ahayd in ay ku wada guuleysato afarta koob ee Champions League, Premier League, FA Cup iyo Carabao Cup, waxaana hadda meesha ka baxay FA Cup oo Chelsea ay ku dagaallami doonaan Leicester City ama Southampton.

Tababare Thomas Tuchel oo bishii January shaqada ka beddelay Frank Lampard ayaa dib usoo nooleeyey Chelsea, kana dhigay mid ka mid ah kooxaha ugu fiican, waxaana kaliya uu maskax iyo khibrad tababarenimo u isticmaalay ciyaartoydii tirada badnaa ee ay Blues hore usii haysatay.

Kulankii caawa ay kooxdiisu ku garaacday Manchester City, tababare Tuchel ayaa sameeyey shax beddel iyo taatiko uu ku jabiyey xeeladihii Pep Guardiola isticmaali jiray ee  kooxaha uu ku garaaci jiray.

Halkan kaga bogo afartii arrimood ee uu sameeyey Tuchel ee sababta u noqday in ay garaacaan Man City:

1. Go’aankii Hakim Ziyech

Warbixino ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyey sheegayay in Chelsea ay u ogolaan doonto Ziyech in uu xagaagan iska tago, waxaana farta lagu fiiqayay in ay Sevilla kaga soo beddelanayaan difaaca Jules Kounde.

Si kastaba, xiddiga reer Moroco ayaa wacdaro ka dhigay ciyaartan, waxaanu ahaa laacibka burburiyey Man City ee goolka dhaliyey, mid kale oo laga diidayna saxeexay, halka uu mar kastana ahaa mid khatar ku ah difaaca oo indhihiisu hayaan goolka.

Isaga oo ka ciyaarayay weerarka dhexe, Ziyech ayaa bilowgiiba shabaqa taabsiiyey gool la diiqay, waxaase uu mid muran la’aan ah hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa qaybta dambe, isagoo difaacyada dhexdooda ka  helay baas uu soo dhiibay Werner.

Kubbad-sameeye ayuu dabiici ahaan yahay, kamase baqin in uu isku beddelo weeraryahan.

2. Kusoo bilaabashadii Kepa

Kepa Arrizabalaga oo kaydka ku caajisay ayaa dib ugu soo noqday biraha dhexdooda, waxaana uu lasoo galay kalsooni dhab ah iyo in uu isku muujinayo in ay qalad tahay in kaydka la dhigo.

Laacibkan reer Spain ayaa badbaadiyey kubbado qaarkood halis ahaayeen, waxaanu rajaynayaa in uu tababare Tuchel ka noqdo go’aanka uu goolhayaha  koowaad ugu doortay Mendy.

3. Fursaddii uu siiyey Timo Werner

Sida Arrizabalaga oo kale, Werner ayaa kaydka ku jiray usbuuciyadii ugu dambeeyey, waxaana fursaddii uu ugu soo bilowday caawa uu  kalsooni kaga helay tababaraha iyo taageereyaasha intaba.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayuu ahaa mid dardar badan oo ay qabashadiisa ku daaleen difaaca Man City, waxaanu mar walba ka daba baxayay difaacyada isagoo sidoo kalena iska ilaalinayay offside-ka. Labada gool ee mid la diiday ee uu Ziyech dhaliyey ba, waxa si xarrago leh uga shaqeeyey Werner.

4. Kalsoonida uu Tuchel u muujiyey Kante

N’Golo Kante ayaa ciyaar heersare ah soo bandhigay, waxaanu ahaa xoogga qarsoon iyo midka muuqda oo ay dhexda Chelsea ee awoodda badan ay jabin kari waayeen.

Kante ayaa qaybta hore aan aad u fiicnayn, balse waxa uu tamar aan la garanayn meel ay ka timid uu lasoo galay qaybta dambe, waxaana uu khadka dhexe ka ugaadhsanayay kubbadaha ka baxsanaya ciyaartoyda City, kuwo uu cidhiidhsado oo uu ka dhacsado iyo in uu dhexda ka goobo baasaska ay isku dhiibayaan. Waxa intaa u dheeraa in kubadda uu qabto uu hore usoo kaxayaynayay isagoo ordaya, marka uu u dhowaado goolka City na uu bixinayay baas aanay joojin karayn difaaca Sky Blues.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More