Andy Robertson ayaa shaaca ka qaaday xiddigaha Liverpool

Andy Robertson ayaa shaaca ka qaaday in ayna xiddigaha Liverpool la dhicin markii uu xirnaa maaliyada chelsea kadib markii ay Reds ku kalsoontahay ku guulaysiga premier League xilli ciyaareedkii hore.

Guushii ay Chelsea ka gaadhay Manchester City bishii June ayaa xaqiijisay kooxda Jurgen Klopp markii ay xiddigaha kooxdu ku dabaaldegeen hudheel ay ciyaarta ka daawanayeen.

Waxyaabo lama filaan ah ayaa ka soo baxay xafladda iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Robertson uu xirnaa funaanadda Chelsea xafladda xigta.

Laakiin markii uu la hadlay FourFourTwo, wuu sharaxay sababta wuxuuna sheegay in funaanada uu lahaa xiddigga Chelsea Billy Gilmour.

“Habeenkaas bishii June markii ay Manchester City guuldaro kala kulantay Chelsea isla markaana la xaqiijiyay in aanu nahay Horyaal, kooxda ayaa wax walba noo diyaarisay kadib guushii 4-0 ahayd ee aanu ka gaadhnay Crystal Palace maalin ka hor” ayuu yidhi Robertson.

“Waxaan ballansannay hudheel, karsanaynay.

Been ma sheegayo: Waxaan heystaa maaliyad Chelsea ah waxaana kula kaftamay ragga kale WhatsApp.

Anigu ma ahayn qof caan ah oo canaan baa la i siiyay sidii aan filayay, mana ahayn cabirkeyga, waxaa iska lahaa Billy Gilmour sidaa darteed wey igu yareyd aniga. ”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More