Arsenal Mise Tottenham? Kooxda Ku Dhaw Saxeexa Tammy Abraham &

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay tahay mida ugu cad cad saxeexa weeraryahanka kooxda Chelsea ee Tammy Abraham iyadoo tababare Mikel Arteta uu isha ku hayo inuu heshiis amaah ah kusoo qaato.

23 sano jirkaas oo shabaqa gaadhay kulankii ay kooxdiisu ka adkaatay Peterborough toddobaadkii hore ayaa loo arkaa mid dheeri ku ah baahida tababare Thomas Tuchel waxaana la filayaa inuu kooxdaasi ka tagi doono suuqa xagaagan.

Arsenal ayaa ah mid kamida kooxaha doonaya saxeexa Abraham si lamid ah West Ham United iyo Tottenham balse haatan waxay u muuqdaan kuwo kooxaha ay la xifaaltamaan saxeexiisa ku garaacaya.

Sida uu sheegayo wargeyska The Sun, Chelsea ayaa diyaar u ah inay Abraham u fasaxdo inuu Arsenal waliba qaab amaah ah laakiin waa haddii lagu darayo heshiiska qoddob dhigaya in Arsenal ay xagaaga dambe waajib 40 Milyan oo pound ugu iibsanaydo Abraham.

Tottenham iyo West Ham ayaa ahaa kuwo isha ku hayay dhinacooda inay Tammy la saxeexdaan balse qiimahiisa 40-ka Milyan ee pound ah ayaa ah mid caqabad ku ah iyadoo Hammers ay u sheegeen Blues inay ugu badnaan 30 Milyan oo pound bixinayaan.

Arsenal ayaa diyaar u ah inay bixiso inta ugu badan ee mushaharkiisa haddiiba aysan wada bixinin taas oo ka dhigan in Chelsea ay dhimayso 80,000 oo pound oo kamida mushaharaadka ay toddobaadkii bixiso.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More