Barcelona, Juventus Iyo Real Madrid Oo U Jawaabay UEFA Oo LABA

Real Madrid, Barcelona iyo Juventus ayaa ka jawaabay war-saxaafadeed ay xalay soo saareen guddida anshaxa UEFA, taas oo sheegaysay in lasoo dhamaystiray baadhitaan lagu sameeyey saddexdan kooxood oo wali kusii dhegsan mashruucii fashilmay ee Super League.

UEFA ayaa sheegtay in ay soo saarayso, go’aanka ciqaabeed ee la marsiinayo kooxahan, waxaanay warbaahintu ku fasirtay in sannad illaa laba sannadood laga ganaaxi doono tartanka Champions League, loona raacin doono ganaax lacageed oo badan.

Laakiin kooxahan ayaa soo saaray qoraal ay kaga jawaabayaan arrintaas, waxaanay sheegeen in arrinta kasoo yeedhay UEFA ay la tegi doonaan maxkamadda caddaaladda, isla markaana ay kusii taagan yihiin go’aankoodii ahaa in isbeddel lagu sameeyo kubadda cagta.

“FC Barcelona, Juventus FC iyo Real Madrid waxay caddaynayaan diidmadooda ah, in UEFA ay sii waddo qasabka ay ku hayso saddex ka mid ah hay’adaha ugu taariikhda weyn kubadda cagta. Arrintan walwalka leh waxay ka dhigan tahay, in si cad loo jabinayo go’aamada caddaaladda ee maxkamadaha ee mar uga digay UEFA in ay ka dheeraato, in ay wax tallaabo ah ka qaaddo kooxaha aasaasay Super League.” Ayey war-saxaafadeedkooda ku yidhaahdeen Real Madrid, Barcelona iyo Juventus.

Waxa kale oo ay kooxahani tibaaxeen, in loo baahan yahay in kubadda cagta lagu sameeyo isbeddel.

Si kastaba, UEFA ayaa la rumaysan yahay in ay qorshaynayso in ay saddexdan kooxood ka caydhiyaan tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, waxaana la filayaa in go’aanku soo baxo maalmaha soo socda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More