Barcelona Oo Guul Ka Gaarey Girona, Memphis Depay Oo Furtay

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul raaxo leh ka gaadhay naadiga ay isku gobolka ka dhisan yihiin ee Girona oo ay isku haleeleen ciyaar saaxiibtinimo oo ay ugu diyaar-garoobayaan xilli ciyaareedka cusub, taas oo kusoo dhamaatay 3-1.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Barcelona ayaa waxa waqti horeba hoggaanka qabatay Barca oo uu gool u dhaliyey difaaca reer Spain ee Gerard Pique oo rikoodhe u dhaliyey daqiiqaddii 21aad, waxaana mid kale ku daray laacibka da’da yar ee ay kooxdu iibinayso ee Rey Manaj oo saddex daqiiqadood kaddib goolka labaad saxeexay.

Kooxda martida ahayd ee Girona ayaa gool rikoodhe ahaa dhalisay intii aan loo bixin waqtiga nasashada waxaana u saxeexay Samu Saiz, waxaana lagu kala nastay 2-1 ay hoggaanka haysay Barcelona.

Qaybtii dambe ayaa isbeddel weyni ku yimid Barcelona, waxaana soo galay ciyaartoydooda waaweyn sida Antoine Griezmann, Frenkie de Jong, Miralem Pjanic, Clement Lenglet iyo Memphis Depay oo isagu yimid qaybta hore oo sii dhamaanaysa kaddib dhaawac soo gaadhay Rey Manaj.

Barcelona ayaa kubbad xarrago leh ciyaartay qaybta dambe, waxaanay isku-dhiibkii, orod iyo tiki-taka ku qarqisay Girona oo iyaduna dedaal badan muujinaysay, kuna ciyaaraysay qaab cabsi la’aan ah maadaama ay ciyaar saaxiibtinimo ahayd.

Memphis Depay oo ay ishu si gaar ah u haysay ayaa kulankiisii ugu horreeyey ee uu xidhay shaadhka Barcelona waxa uu isku qoray diiwaanka kooxdiisa cusub, isaga oo dhaliyey goolka saddexaad ee ay kooxdiisu ku garaacday Girona.

Daqiiqaddii 85aad ayaa rikoodhe loo dhigay Barcelona, waxaana dul-istaagtay Memphis Depay oo isagoon is-dhibin si fudud u dhaliyey kubadda, waxaanu ciyaarta ka dhigay 3-1.

Barcelona ayaa heshay fursado badan oo kale oo qaarkood uu Memphis Depay goolal kale ku dhalin karayay.

Antoine Griezmann oo shaki la gelinayo mustaqbalkiisa Barcelona ayaa isaguna bandhig fiican sameeyey kaddib maalmo uu tababarka la qaadanayay kooxdiisa, waxaana ugu dambayntii uu saftay kulankan, hase yeeshee wax gool ah ma dhalinin.

Shaxdii labada kooxood ku ciyaareen

Barcelona: Peña; Dest (Gomes 60’), Piqué (Lenglet 60’), Umtiti (Comas 60’), Balde (Ndiaye 60’); Roberto (De Jong 60’), González (Pjanic 60’), Puig (Gavi 60’); Demir (Collado 60’), Manaj (Memphis 42’), Mortimer (Griezmann 60’)

Goolasha: Piqué (rikoodhe 21’), Manaj (24’), Memphis (rikoodhe 85’)

Girona: Carlos; Calavera, Juanpe, Martínez, Jairo; Terrats; Fernández, Gumbau, Kebé, Saiz; Stuani

Goolasha: Saiz (Rikoodhe 42’)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More