Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Liiska Kooxdeeda Ee Kulanka

Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday liiska xiddigaha kooxdeeda uga qayb qaadanaya kulankooda furitaanka ololaha UEFA Champions League ee 2020-21 markaas oo ay Camp Nou kusoo dhawayn doonaan Ferencravos.

Muhiimada koowaad ee Blaugrana ayaa ah inay qaab wanaagsan ku bilaabato tartankaas oo ay iska reebaan ceebtii kasoo gaadhay kulankii ugu dambeeyay ee ay ka ciyaareen markaas oo ay bahdil kala kulmeen Bayern Munich.

Liiskan xiddigaha ah ee uu soo xushay tababare Ronald Koeman ayuu wali ka maqan yahay goolhaye Marc Andre Ter Stegen oo dhaawac qaba waxaana hoggaaminaya Lionel Messi.

Sidoo kale xulashadan ayuu kasoo muuqday saxeexa cusub ee kooxda ee Miralem Pjanic. Marka laga yimaado inay doonayaan inay kasoo kabtaan ceebtii kasoo gaadhay Munich, Barcelona ayaa sidoo kale u baahan guusha kaddib guuldarradii Getafe ay kala kulmeen Sabtidii.

Liiska Oo Dhammaystiran

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More