Barcelona Oo Si Xarago Leh Ugu Guuleysatay Cope adel Rey

Barcelona ayaa xasuuqday Athletic Bilbao oo ay kaga guuleysteen finalka Cope Del Rey xilli goolasha ay yimaadeen qeybta dambe xilli natiijada ay aheyd 4/0

Qeybta hore , waxa ay labada koox nasiinada ku aadeen bar bar dhac bilaa goolal ah xilli Barcelona ku sareeyeen maamulka kubadda .

Barcelona biloowgii birta ayaa diiday halka ka dibna ay is hor tagaeen daafaca Athletic Bilbao kuwaasi oo si hor taagayay isku dayay

Barca waxa ay ku wacnaayeen in kubadda gaarsiiyaan afka hore Athletic Bilbao balse nasiibka ayaa ka maqnaa halka kooxda Athletic Bilbao ay maciin badiyeen kubadaha rogaal celiska ah .

Dhamaadkii qeybta hore , Barca fursado xaqiiq ahaa ayaa laga bad baadiyay waxaana isku daygaas lahaa

Qeybta labaad , goolhayaha Athletic Bilbao ayaa u diiday Sergio Busquets waxa ayna aheyd daqiiqadii 51-aad.

Athletic Bilbao , si ka bad-badis ah ayay daafac ugu jireen waxa ayna taasi ku keentay in gool lagu helo waxaana saxiixay Griezmann daqiiqadii 60-aad.

Athletic Bilbao waa ku adkeyd in kubadda iska soo dhaqaajiyaan waxaaana daqiiqadii 63-aad lagu helay gool labaad uu lahaa Frenkie de Jong .

Ka dib goolahaas , ciyaarta wax aay gacanta toos ugu sii gashay Barca oo ay sahal u noqotay wadada goosha Athletic Bilbao waxa ayan ku heleen sedexaad ee uu Messi ku ceebeystay daafacaas waxa uuna goolka dhaliyay daqiiqadii 68-aad Grizman

Qeybihii dhamaadka ,waxa ay Athletic Bilbao bilaabeen in afka hore u soo dhaqaaqaan balse halis gilin muuqta ma jirrin waxa ayna Barca sii racaiyeen gool 4-aad oo uu saxiixay Messi daqiiqadii 72-aad halka Barca badlakoodii ugu horeyay daqiiiqadii 74-aad ku soo giliyeen Sergino Dest oo loo saaray Sergi Roberto

Si waliba oo ay ahaato , waxa ay ciyaarta ku dhamaatay afartaas gool ee ay Barcelona ku qaaday Cope Del Ray

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More