Bayern Munich Oo Xasuuqday Atletico Madrid, Inter Milan Oo

Bayern Munich ayaa guul ku bilaabatay xili ciyaareedka cusub ee tartanka Champions League ee ay koobkiisa difaacanayso, waxaana ay meel iska saartay Atletico Madrid oo ugu timid garoonka Allianz Arena oo ay ku xasuuqday 4-0.

Bayern Munich ayaa ciyaartan oo saadaal kala duwan laga sii bixiyey waxay hoggaankeeda qabatay daqiiqaddii 28aad oo kubbad uu meel fog kasoo tuuray Kimmich uu shabaqa Atletico dhex dhigay Kingsley Coman, waxaana ku xigsiiyey oo mid kale ku daray Leon Goretzka dhamaadka qaybta hore oo ay wax yar ka hadhsan yihiin.

Qaybtii labaad ayay Bayern Munich wacdaraheeda sii wadatay, waxaana laba gool oo kale u dhaliyey Corentin Tolisso iyo Coman oo goolkiisa labaad ee kulanka saxeexay.

Shaxdii labada kooxood

ATLETICO MADRID (4-4-2): Jan Oblak; Kieran Trippier, Stefan Savic, Felipe, Renan Lodi; Marcos Llorente, Hector Herrera, Koke, Yannick Carrasco; Luis Suarez, Joao Felix.

Kaydka: Ivo Grbic, Lucas Torreira, Angel Correa, Thomas Lemar, Ivan Saponjic, Vitolo, Mario Hermoso, Miguel San Roman, Juan Manuel Sanabria.

BAYERN (4-2-3-1): Manuel Neuer; Benjamin Pavard, Niklas Sule, David Alaba, Lucas Hernandez; Joshua Kimmich, Leon Goretzka; Thomas Muller, Corentin Tolisso, Kingsley Coman; Robert Lewandowski.

Kaydka: Javi Martinez, Douglas Costa, Eric Choupo-Moting, Joshua Zirkzee, Jerome Boateng, Alphonso Davies, Bouna Sarr, Marc Roca, Alexander Nubel, Jamal Musiala.

Flick iyo Simeone ayaa isbeddello ku sameeyey safafkii ay ku ciyaareen kulamadii horyaallada dalalkooda ee toddobaadkan, si ay kooxahooda u firfircoonaysiiyaan.

Bayern Munich oo garoonkeeda la joogay ayaa si xooggan ku bilaabatay ciyaarta, waxaanay gacanta ku dhigtay khadka dhexe oo Kimmich oo kaashanaya Muller iyo Leon Goretzka ay shaqo cajiib ah ka qabanayeen.

Atletico Madrid ayaa daqiiqaddii saddexaad ee bilowga ciyaarta ku dhowaatay goolka Bayern, waxaana baas ka yimid Carrasco uu u tegay Suarez, laakiin shabaqa xagga dambe kaga keenay.

Daqiiqaddii 15aad ayay Bayern Munich hoggaanka ciyaarta inay qabato ku dhowaatay, waxaana waxyar birta kubbad xooggan u mariyey Sule.

Daqiiqaddii 28aad ayuu dedaalka Bayern Munich midho dhal noqday, markaas oo kubbad uu Kimmich kasoo xoogsaday Joao Felix uu usoo tuuray Kingsley Koman oo xerada ganaaxa Atletico la galay, isla markaana daba mariyey goolhaye Oblak.

Atletico Madrid ayaa dhawr kubbadood soo dhex-gelisay xerada ganaaxa Bayern Munich, waxaanay inta badan kubadda la raadsanayeen Luis Suarez.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! Bayern Munich 2-0 Atletico Madrid – Leo Goretzka ayaa kubbad uu ka helay xerada ganaaxa dhexdeeda waxa uu ku hubsaday shabaqa Bayern Munihc isaga oo laacibka khadka dhexe kubbad dhulka socota ka hor bixiyey Oblak, qaybta horena waxay kusoo dhamaatay 2-0 ay Bayern Munich hoggaanka ciyaarta la nasatay.

Qaybtii labaad ayay Bayern Munich sii wadatay wacdaraheeda, waxaana ay ku bilaabatay inay kubadda ka ilaaliso Atletico Madrid oo la moodayay inay xoogaa isbeddel ahi ku yimid sidii ay markii hore ahaayeen amaba uu tababare Flick helay xeeladdii lagu garaaci lahaa.

Daqiiqaddii 66aad ayuu Corentin Tolisso ciyaarta ka dhigay 3-0, waxaana mid kale ka daba keenay Kingsley Coman lix daqiiqadood oo kaliya kaddib goolka Tolisso. Thomas Mueller ayaa goolkan ka shaqeeyey.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 4-0 ay guushu ku raacday Bayern Munich.

Dhinaca kale, Inter Milan iyo Borussia Monchengladbach ayaa barbarro 2-2 ah ku kala baxay kulan ka dhacay San Siro Stadium, taas oo ay labada kooxood dagaal adag.

Natiijooyinka kulamadii kale ee Champions League:

Ajax 0-1 Liverpool

Manchester City 3-1 Porto

Inter Milan 2-2 Borussia Monchengladbach

Real Madrid 2-3 Shakhtar Donetsk

Salzburg 2-2 Lokomotiv Moscow

Olympiacos 1-0 Marseille

FC Midtjylland 0-4 Atalanta

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More