Benzema & Messi: Goolasha Ay Dhaliyeen Xilli Ciyaareedkan, Sida

Sabtida berri ayay Real Madrid iyo Barcelona albaabada isku xidhan doonaan garoon madhan oo aanay wax taageereyaal ahi joogin oo ku yaalla caasimadda Madrid, waxaana ciyaartan ay si gaar ah indhuhu u hayan doonaan Karim Benzema iyo Lionel Messi oo ah xiddigaha guusha go’aaminaya.

Labadan laacib ayay ciyaartani u timid waqti ay qaab ciyaareed wanaagsan ku jiraan, isla markaana ay kooxahoodu ka sugayaan in ay ka caawiyaan in ay hoggaanka si ku-meelgaadh ah u qabtaan illaa inta ay soo baxayso natiijada ciyaarta Atletico Madrid.

Karim Benzema ayaa 15 ciyaarood oo intii sannad cusub ah oo uu dheelay, waxa uu dhaliyey 12 gool, kuwaas oo toban ka mid ah ay yihiin horyaalkaPremier League, hase yeeshee waxa gool-dhalintiisii joogtada ahayd ay kala go’day ciyaartii Liverpool ee Salaasadii.

Ka hor kulankii Liverpool, Benzema ayaa toddoba ciyaarood oo isku xiga goolal soo dhaliyey, waxaanay u ahayd waqtigiisii ugu fiicnaa ee intii uu joogay Real Madrid. Getafe, Valencia, Atletico Madrid, Elche, Atalanta, Celta Vigo iyo Eibar ayaa uu dhamaantood goolal kasoo dhaliyey iyadoo ay ciyaarahooduna isku xigeen, waxaana toddobadan ciyaarood uu saxeexay sagaal gool.

Rikoodhka Benzema ee xilli ciyaareedkan

34 ciyaarood oo uu xilli ciyaareedka saftay, waxa uu dhaliyey 24 gool, celcelis ahaanna waa rikoodhkiisii gool-dhalinta ee ugu wanaagsanaa intii uu joogay Real Madrid marka loo eego kulamada uu goolashan ku dhaliyey. Qaab ciyaareedkiisa fiican ayaa muujinaya ifafaale ah in uu sii wadan doono oo uu jabin doono rikoodhkiisii gool-dhalinta ee ugu fiicnaa ee 30ka gool ahaa iyo tirada goolashii uu xilli ciyaareedkii hore saxeexay ee 27ka gool.

Goolashii ugu badnaa ayuu Real Madrid u dhaliyey waqtigii uu Jose Mourinho tababaraha u ahaa Real Madrid, isagoo saxeexay 32 gool.

Benzema ayaa xilli ciyaareedkan hurdada ka toosay waqti ay kooxdiisu dhibaataysnayd, waxaana uu kusoo celiyey tartanka horyaalka oo ay markii hore quus ka joogeen iyo sidoo kale Champions League oo ay lug lasii galeen wareegga semi-finalka.

Abaal-marinta gool-dhalinta Pichichi ayuu sidoo kale rajo ka qabaa in uu ka dhacsan karo Lionel Messi oo afar gool ka horreeya, waxaanu leeyahay 18 gool, iyadoo uu min hal goolna ka dambeeyo Gerard Moreno iyo Luis Suarez.

Messi waa hoggaamiyaha Barcelona

Barcelona ayaa waqti hore oo xilli ciyaareedkan ah lagu tilmaamay in ay macasalaamaysay horyaalka, kaddib markii ay dhibco badan ka hoos mareen Atletico Madrid, laakiin waxa dib usoo nooleeyey Lionel Messi oo markii hore ay ka jiiftay.

Xilli ciyaareedka ayuu qaybtiisii hore Messi ahaa mid liitay, laakiin intii uu bilaabmay sannadka cusub ee 2021 ayuu boodhka iska jafay, lana soo baxay shaadhkii lagu yaqaanay, isagoo Ronald Koeman ka caawiyey in kooxdiisu ay hal dhibic kaliya ka dambayso Atletico Madrid oo hoggaanka haysa.

Tan iyo January 1, Messi ayaa dhaliyey 16 gool 13 ciyaarood oo horyaalka LaLiga ah oo uu ciyaaray. Waxa uu mar kale muujiyey in uu yahay ninka ay kooxdu ka sugayso guusha kooxda.

Kulanka Sabtida ayaa uu raadin doonaa goolkiisii ugu horreeyey ee Clasico ah tan iyo sannadkii 2018kii.

Garoonka Real Madrid ayaa Lionel Messi u ahaa meel uu isagu iska cammirto, waxaanu kooxdiisa uga soo hooyey 12 guulood iyo 15 gool oo uu isagu kusoo dhaliyey Estadio Santiago Bernabeu.

Inkasta oo garoonka Alfredo Di Stefano lagu ciyaarayo doorkan oo la dhisayo Bernabeu, haddana Messi ayay u taallaa shaqo ah in kooxdiisa uu guusha u keeno, haddii kale, waxa kaalinta labaad kala  bixi doonta Real Madrid, halka Atletico na ay mar kale sii baxsan karto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More