Boqolkiiba 80 Taageerayaasha Man United Oo Isku Raacay

3

Axel Tuanzebe ayay tahay inuu ku soo bilowdo shaxda Man United oo uu booska kala baxo Harry Maguire sida ay ku codeeyeen boqolkiiba 83 taageerayaasha Manchester United.

Daafaca da’da yar oo 22 sanno jir ah ayaa jeebka ku ritay Kylian Mbappe iyo Neymar kulankii ay Manchester United garaacday Paris Saint-Germain ee Champions League.

Maguire oo cadaadis badan uu saaran yahay ayaa ka maqnaa kulankiii Paris ka dib markii dhaawac uu soo gaaray.

Haatan taageerayaasha ayaa ku baaqaya in Tuanzebe uu booska kala baxo kabtanka kaasoo gool dhaliyay kulankii ay 4-1 kaga badiyeen Newcastle, waxayna doonayaan in Tuanzebe uu ku soo bilowdo kulanka Sabtida ee Chelsea.

Tuanzebe ayaa ku guuleystay xiddiga garoonka iyadoo United ay dardartay kooxda heysata horyaalka Faransiiska.

Marcus Rashford iyo Bruno Fernandes ayaa goolasha u dhaliyay Man United.

Laakiin qaab ciyaareedka Tuanzebe ayaa guusha u horseeday kooxda Ingariiska isagoo hakiyay weerarka halista ah ee Neymar iyo Kylian Mbappe.

Haatan boqolkiiba 83 taageerayaasha Man United oo ay codbixin ka qaaday jariirada The Sun ayaa ku baaqaya in Tuanzebe uu u qalmo in lagu soo bilaabo shaxda Man United islamarkaana Maguire uu keyd u baahan yahay.

Horaantii isbuucaan khabiirada kubada cagta ayaa ku amaanay Tuanzebe sida uu u raacday Mbappe isagoo kubad taabashadiisa ku xadiday kaliya 54 halka Neymar uu kubada taabtay kala bar intaas.

Wuxuu ku guuleystay dhamaan kubadihii madaxa, wuxuuna sameeyay todobo badbaadin.

Laakiin waxaa cajiib ah inuu qaab ciyaareedkan soo bandhigay ka dib 10 bilood uu dhaawac ku maqnaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More