Bruno Fernandes Oo Ka Degay Koox Kale Oo U Xidhay No.8 Xilli

Xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes ayaa soo gaabiyey fasaxii uu galay markii uu soo dhamaaday tartanka qaramada Yurub oo ay ahayd inuu kusii jiro maalmo kale, laakiin waxa uu go’aansaday inuu soo gaabiyo oo uu ka dego koox kale.

Warbaahinta ayaa heshay sawirrada Bruno Fernandes oo u ciyaaraya koox kale oo aan ahayn Manchester United, taas oo u xidhay lambarka uu aadka u jecel yahay ee No.8.

Laacibka reer Portugal ayaa ku laabtay kooxdiisii hore ee Boavista oo ka dhisan waddanka Portugal, taas oo uu la qaadanayo tababarka ka hor inta aanu ku laabanin Manchester United oo uu dhinaceeda fasax kaga jiro, hase yeeshee taageereyaasha ayay layaab ku noqotay markii ay arkeen 26 jirkan oo kor u haya garanka/maaliyadda kooxdan oo waliba uu ku xardhan yahay magaciisa iyo lambarka uu jecel yahay ee No.8.

Bruno Fernandes ayaa bandhig liita iyo waqti adag uu u ahaa tartanka Euro 2020 ee uu kala qayb-galay waddankiisa Portugal, waxaanu inta ugu badan ku jiray kaydka.

206 daqiiqadood oo kaliya oo uu saftay, waxa uu ku dhamaystay isagoon gool iyo caawin midna ka samaynin tartanka oo ay kaga hadheen wareeggii 16ka.

Xilli uu ku jiro niyad-jabkii uu ka qaaday tartanka qaramada Yurub, waxa uu Fernandes go’aansaday inuu baytariyadiisa kusoo dabaysto ka hor inta aanu kusoo laabanin Manchester United, waxaanu waqti lasoo qaadanayaa kooxdiisii hore ee Boavista oo uu da’yarteeda u ciyaari jiray intii u dhaxaysay 2004 illaa 2012kii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More