“Bruno Fernandes Wuxuu Khiyaanay Garsooraha, Rigoore Nasiib Ah Ayay

Halyeeyga Manchester United Paul Scholes ayaa sheegay in Red Devils ay nasiib ku laheyd in loo dhigo rigoore kulankii ay 2-0 kaga badiyeen kooxda Granada.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa u muuqatay kuwa ku badinaya 1-0 kulankii xalay markii rigoore loo dhigay daqiiqadii 90aad ee ciyaarta.

Xiddiga khadka dhexe ee Granada Yan Eteki ayaa rigoore laga dhigay isagoo lagu eedeeyay inuu qalad ku galay Bruno Fernandes oo rigoorada gool u sarifay.

Ma aysan aheyn rigooradii ugu fiicneyd ee uu tuuro xiddiga khadka dhexe ee Portugal laakiin kubada waxay ka baxsatay gacmaha goolhaye Rui Silva iyadoo Man United ay faa’ido weyn heysato ka hor kulanka lugta labaad.

Si kastaba, khabiirada TV-ga BT Sport ayaa isku raacay inay qalad aheyd oo si nasiibdarro ah loo ciqaabay kooxda La Liga ka dhisan.

Xiddigii kale ee u soo dheelay Man United Owen Hargreaves ayaa isna sheegay in qaabkii uu Bruno Fernandes isku tuuray inay ka dhaadhicisay garsooraha inay aheyd rigoore.

Scholes ayaa isna raaciyay: “Fernandes si fiican ayuu u jilay, waxaan qabaa inuu nasiib ku lahaa in loo dhigo rigoorada. Nasiib ayuu sidoo kale ku lahaa inuu dhaliyo madaama ay aheyd inuu goolhayaha si fiican u bixiyo kubada.

“Ma ogtahay marka rigoore la dhigo oo ay VAR dib u eegeyso kama laaban karaan haddii taabasho ay jirto inkastoo qaladka uusan aheyn mid cad.

“Fernandes si fiican ayuu sameeyay si uu u helo rigoorada, Granada aad ayay uga xumaan doonaan. Wuxuu iska eegay halka uu ciyaaryahanka ka xigo madaama aysan kubada u dhaweyn.

“Fernandes si caqliyaysan ayuu sameeyay, wuxuu khiyaameeyay garsooraha kaasoo isna aaminay.”

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More