Chelsea Oo Ku Dhawaaqday Liiska Xiddigaheeda Kulamada Arsenal, Chelsea

Chelsea ayaa u duushay Ireland oo ay ku qaadan doonto kulamada saaxiibtinimo ee u diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub, iyadoo soo gabogabaysay usbuuc iyo dheeraad ay xarunteeda Cobham ku qaadanaysayy tababarka iyo hal kulan oo saaxiibtinimo oo ay kusii ciyaaartay.

Magaalada Dublin ayaa u noqon doonta xarun oo ay joogi doontaa illaa Salaasada toddobaadka dambe, iyadoo Khamiista ku qaadan doonta kulan saaxiibtinimo oo mid ka mid ah kooxaha dalkaas ay la ciyaari doonto.

Tababare Thomas Tuchel ayaa safarka la galay 28 ciyaartoy oo ay ku jiraan xiddigihii waaweynaa ee kaga maqnaa kulamada caalamiga ah qaarkood, halka uu horena u haystay ciyaartooyo ay ka mid yihiin Christian Pulisic iyo Hakim Ziyech oo ciyaaray kulankii saaxiibtinimo ee Peterborough United. Waxa kale oo u dheer tiro ciyaartooyo kasoo laabtay amaah.

N’Golo Kante, Kai Havertz iyo Timo Werner ayaa la filayaa in ay kusoo biiri doonaan kooxda safarka u baxday, laakiin kuma jiraan liiska ciyaartoyda uu Tuchel u kaxaystay Dubling.

Xiddigahan ayaa kulamo saaxiibtinimo la ciyaari doona kooxaha Bournemouth, Arsenal iyo Tottenham ka hor inta aanu bilaabmin xilli ciyaareedka horyaalka Premier League.

Xiddigaha Tuchel ula safray Ireland:

Goolka: Edouard Mendy, Kepa Arrizabalga, Jamie Cumming, Lucas Bergstrom

Difaaca: Dujon Sterling, Davide Zappacosta, Trevoh Chalobah, Jake Clarke-Salter, Malang Sarr, Matt Miazga, Marcos Alonso, Baba Rahman

Dhexda: Ross Barkley, Ruben Loftus-Cheek, Conor Gallagher, Lewis Baker

Weerarka: Tammy Abraham, Ike Ugbo, Armando Broja

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More