Chelsea Oo Ugu Dambayn Heshay Koox Weyn Oo Xiisaynaysa Saxeexa Timo

Kooxda ree Germany ee Bayern Munich ayaa lagu soo warramayaa inay xiiso lama filaan ah u qabto weeraryahanka Chelsea ee Timom Werner isla markaana ay dalab ka gudbin karto.

25 sano jirkaas ayaa kusoo dhibtooday inuu la qabsado horyaalka Premier League xilli ciyaareedkiisii koowaad, Timo ayaa 12 gool kusoo dhaliyay 52 kulan oo uu tartamada oo dhan kasoo ciyaaray isaga oo eedaymo joogto ah kala kulmayay fursado fudud oo uu si joogto ah u luminayay.

Laakiin taas ayaa u muuqan mid nusqaamisay xiisaha ay Bayern u qabto dhaliyihii hore ee RB Leipzig. Sida uu sheegayo warsidaha FootballInsdier, kooxda kusoo guuleysatay horyaalka Bundesliga ayaa xiiso adag u qabta Werner.

Chelsea ayaa xagaagii hore ee 2020 la saxeexatay Werner iyaga oo heshiis 47.5 Milyan pound ah kagala wareegtay Leipzig.

Iyadoo heshiiskiisa ay afar sano ka hadheen ayay kooxda tababare Thomas Tuchel haddiiba ay 25 sano jirkaas iibinayso qiimo sarre ku dalban doontaa.

Dhawaan ayay ahayd markii warar ay sheegayeen in Chelsea ay u furan tahay inay iska iibiso Werner si ay ula saxeexato mid ahaan Harry Kane amaba Erling Haaland.

Chelsea oo xilli ciyaareedkii hore ku dhibtootay goolka hortiisa ayay muhiimadeeda koowaad ee xagaagani tahay saxeexa gool dhaliye toos ah, Haaland ayaa ah midka ay inta ugu badan doonayso balse kooxdiisa Borussia Dortmund ayaa lacag 150 Milyan oo pound ah ku xidhay iibkiisa.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More