Chelsea & Sevilla Oo Goolal La’aan Ku Kala Baxay, Lazio Oo

Chelsea ayaa barbarro ku bilaabatay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaana ay awoodi kari waayeen inay libin ka gaadhaan Sevilla oo marti ugu ahayd Stamford Bridge.

Tababare Frank Lamaprd ayaa shax adag lasoo shir tegay, laakiin Julen Lopetegui ayay kooxdiisu ahayd mid xooggan oo awood u yeelatay inay dhibaatooyin badan u geysato Chelsea oo garoonkeeda joogta, iyadoo ciyaarta inteeda badanna maamulaysay.

Chelsea iyo Sevilla oo ku wada jira Group E ayna ku weheliyaan labada kooxood ee Rennes iyo Krasnodar ayaa waxay ku dhamaysteen kulankooda barbarro 0-0 ah.

Shaxdii labada kooxood

SEVILLA (4-3-3): Yassine Bounou; Jesus Navas, Sergi Gomez, Diego Carlos, Marcos Acuna; Fernando, Ivan Rakitic, Nemanja Gudelj; Suso, Lucas Ocampos, Luuk de Jong.

Kaydka: Tomas Vaclik, Karim Rekik, Sergio Escudero, Joan Jordan, Franco Vazquez, Oliver Torres, Oscar Rodriguez, Munir El Haddadi, Carlos Fernandez, Youssef En-Nesyri.

CHELSEA (4-2-3-1): Edouard Mendy; Reece James, Thiago Silva, Kurt Zouma, Ben Chilwell; Jorginho, N’Golo Kante; Christian Pulisic, Kai Havertz, Mason Mount; Timo Werner.

Kaydka: Kepa Arrizabalaga, Willy Caballero, Antonio Rudiger, Fikayo Tomori, Andreas Christensen, Cesar Azpilicueta, Emerson, Mateo Kovacic, Hakim Ziyech, Callum Hudson-Odoi, Tammy Abraham, Olivier Giroud.

Tababare Frank Lampard oo uu culays weyni saaran yahay ayaa kusoo galay shax adag oo uu weerarka ku aaminay Timo Werner oo kaliya, laakiin ay garbihihiisa joogaan Kai Haverts iyo Mason Mount halka ay dhexda dambena N’Golo Kante iyo Christian Pulisic joogeen.

Fursaddii ugu horreysay ee ciyaarta ayaa timid daqiiqaddii 18aad markaas oo Sevilla ay xerada ganaaxa Chelsea keenay kubad uu kasoo shaqeeyey Suso, waxaana madax ku qabtay Gudelj, hase yeeshee waxa badbaadiyey goolhaye Mendy.

Dhamaadka qaybta hore ayuu James dhinaca midig ka keenay kubbad masaafo hoose ku socota, taas oo uu soo dhaafiyey Carlos iyo Gomez, isla markaana uu helay Werner waxaana ka badbaadiyey Bounou oo koorne u saaray.

Ocampo iyo Pulisic ayaa iskugu jawaabay laba fursadood oo midka Chelsea uu aad u wanaagsanaa laakiin nasiibkooda midkoodna uma suurtogelin in kooxdiisa uu goolka hoggaanka u dhiibo.

Qaybta labaad ayaa Chelsea ugu bilaabatay fursad uu sameeyey Pulisic oo kaliya ay taabasho uga dhinayd in kooxdiisu ay hoggaanka ciyaarta qabato, sidoo kale, Mason Mount iyo Werner ayaa iyaguna jaanisyo soo mareen.

Wax kasta oo ay sameeyeen labada kooxood, ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ah.

Dhinaca kale, labada kooxood ee Groupkan kula jira ayaa iyaguna barbarro 1-1 ah ku kala baxay. Rennes oo gool rikoodhe ah la hormartay ayaa waxa hoggaanka ciyaarta u dhiibay Sehrou Guirassy, laakiin laba daqiiqadood oo kaliya kaddib ayaa laga daba keenay goolka barbarraha, waxaana Krasnodar u saxeexay Cristian Ramirez.

Kulan kale oo xiise badnaa ayaa waxa uu dhex maray labada kooxood ee Lazio iyo Borussia Dortmund, waxaana 3-1 ay guushu ku raacday Lazio oo qaybtii horeba heshay laba gool oo midkood ahaa hadiyad ay difaaca Dortmund u hibeeyeen si ay ciyaarta ugu guuleystaan.

Qaybtii labaad ayay Borussia Dortmund isasoo canaanatay waxaana gool u dhaliyey mucjisada goolasha ee Erling Haaland, laakiin rajadii ay ka qabeen inay barbarro keenaan ayaa waxa soo afjaray Jean-Daniel Akpa-Akpro oo gool saddexaad u dhaliyey Lazio.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More