Chelsea vs Sevilla – Blues Oo Qaabilaysa Khabiirradii Yurub,

Stamford Bridge ayaa martigelinaya kulanka xiisaha badan ee caawa ay Chelsea kusoo dhoweyn doonto kooxda haysata koobka Europa League ee Sevilla oo ay ku wada jiraan Hormada H ee tartanka Champions Leagueb.

Labada kooxood ayaa fursad weyn u haysta inay kasoo gudbaan Groupkan oo ay kula jiraan labada naadi Krasnodar iyo Rennes, waxaana marka ay caawa caasimadda Ingiriiska ee London isku haleelaan Chelsea iyo Sevilla durba la ogaan doonaa natiijada iyo bandhigga kooxda u qalanta inay kaalinta koowaad kaga soo baxdo hormadan.

Chelsea ayaa afartii sannadood ee ugu dambeeyey waxay tartanka Champions League kaga hadhay wareegga 16ka oo ay dhaafi kari weyday, waxaana markii ugu dambaysay burburisay Bayern Munich oo ku xasuuqday 7-1 isku darka labadii ciyaarood, taas oo Frank Lampard u ahayd waqti xun oo uu daawade ka ahaa kooxdiisa oo labadii lugoodba lagu tuntay.

Blues oo sidoo kale kaalinta afraad ku dhamaysatay horyaalka Premier League xili ciyaareedkii hore, ayaa mar kale xili ciyaareedkan ku bilowday dhibaatooyin, waxaana ciyaartii ugu dambaysay oo ay guusha u dhowaayeen si lama filaan ah uga daba timid Southampton oo 3-3 ay ku barbarreeyeen.

Chelsea oo hal mar oo kaliya guul ka gaadhay Sevilla shanti ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Champions League ee ay ku qaabbishay Stamford Bridge, taas oo ahayd kulankoodii xili ciyaareedkii 2019-20, ayaa waxay caawa dagaal adag u geli doontaa si ay libinta u hesho oo uga nefisto culaysyada ka saaran.

Dhinaca kale, Sevilla ayaa caawa imanaysa garoonka iyadoo niyad-jabsan oo kulankii ugu dambeeyey ee horyaalka 1-0 ay kusoo garaacday kooxda Granada Sabtidii.

Kooxda tababare Julen Lopetegui ayaa toddoba dhibcood ka urursatay afartii ciyaarood ee ay dheeshay horyaalka, waxayna caawa halgan u mari doontaa si ay rikoodhkeeda fiican ee tartamada Yurub usii wadago.

Kooxdan oo Europa League ku garaacday Inter Milan, sidoo kalena Manchester United iyo Roma kusoo jiidhay wareegyadii semi-finalka iyo siddeedda ka hor intii aanay koobka qaadin ayaa marka ay Blues ka hor timaaddo waxa la eegi doonaa haddii ay sii wadan karto waayo-aragnimada ay u leedahay tartankan.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Chelsea vs Sevilla

Tartanka: Champions League

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: Davide Massa oo Talyaani ah

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Chelsea waxa dhaawac kaga maqan goolhaye Edouard Mendy, waxaanay u badan tahay inuu kusoo bilaaban doona Kepa Arrazabalga inkasta oo uu qalad sameeyey ciyaartii Southampton.

Billy Gilmour ayaa sidoo kale dhaawac jilibka ah ku maqan laakiin waxa Blues usoo kacay Hakim Ziyech iyo Christian Pulisic oo Frank Lampard siin doona kala doorasho badan oo khadka dhexe ah.

Thiago Silva ayaa la nasiyey kulankii Southampton si uu taam ugu ahaado ciyaarta caawa ee Sevilla, waxaanay iska garab ciyaari doonaan, Kurt Zouma, Cesar Azpilicueta iyo Reece James.

Dhinaca Sevilla, difaaca dhexe ee Jules Kounde ayaa ciyaartan ka maqnaan doona kaddib markii laga helay xanuunka Korona Fayras, laakiin kooxda reer Spain ayaa badqab ka ah dhaawacyada.

Lopetegui ayaa isbeddel ku samayn doona shaxdii uu Sabtidii kula ciyaaray Granada, waxaana la filayaa in Luuk de Jong iyo Lucas Ocampos ay kusoo bilaaban doonaan.

Marcos Acuna ayaa isaguna difaaca bidix qaban doona, waxaana maqnaanshaha Kounde ka faa’iidaysan doona Karim Rekik oo garab istaagi doona Diego Carlos.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Chelsea: Kepa; James, Silva, Zouma, Chilwell; Kovacic, Jorginho; Mount, Havertz, Pulisic; Werner

Sevilla: Bounou; Navas, Rekik, Carlos, Acuna; Rakitic, Fernando, Jordan; Ocampos, De Jong, Suso

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More