Ciyaartoy Waashay Oo Toogasho Ku Dilay Xaaskiisii, Carriirtiisii Iyo

Xiddigii hore ee waddanka Maraykanka u ciyaari jiray kubadda NFL ee Phillip Adams ayaa Khamiistii shalay meydkiisa laga helay South Caroline, iyadoo ay ag-yaallaan meydadka afar qof oo kale oo ay ka mid ahayd xaaskiisii iyo laba carruur ah oo uu awood u yahay.

Ciidamada booliska ayaa sheegay in aanay illaa hadda garanayn waxa Phillip Adams ku kallifay inuu dilalkan geysto, isla markaana xasuuqo qoyskiisa, laakiin waxa loo badinayaa in khalkhal maskaxeed ku yimid.

Adams oo ka mid ahaa ciyaartoyda ugu caansan ayaa bilowgii hore dilay dhakhtarad caan ahayd oo lagu magacaabi jiray Robert Lesslie oo 70 jir ahayd, waxaanu ku xigsiiyey xaaskiisii Barbara oo 69 jir ahayd ka hor intii aanu sii raacinin laba carruur ah oo uu awood u ahaa oo la kala odhan jiray Adah iyo Noah oo sagaal iyo shan jir ay da’doodu kala ahayd.

Waxa kale oo guriga dhexdiisa laga helay meydka James Lewis oo 38 jir ahaa, kana shaqayn jiray guriga.

Kaddib markii uu kasoo takhalusay shantaas qof, Phillip Adams ayaan isaguna kaga sii hadhin dunida, waxaanu iska toogtay madaxa, sidaas ayaanay lixdaas qof ku wada dhinteen khamiistii.

Booliska oo baadhitaan ku sameeyey guriga ayaa waxay sheegeen in ay isku dayayaan in ay helaan wax caddaymo ah, laakiin waxay kaliya ogaadeen in hal qori oo kaliya lagu wada toogtay dhamaan dadkan, kaas oo qolka hurdada yaallay.

Phillip Adams ayaa falka uu ku kacay uu ka yaabiyey shacabka Maraykanka oo inta badan hubaysan, sida cuntada oo kalena uga soo iibsada dukaamada hubka noocyadiisa kala duwan, inkasta oo muddooyinkan dambe la yara adkeeyey iibkiisa.

Si kastaba, Phillip Adams ayaa xasuuqay qoyskiisii, waxaanu galaaftay naftiisa iyo shan nafood oo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More