DAAWO Muuqaal: “Halkan Ayaan CV-gayga Kaga Tagayaa…” – Vazquez Oo

Garabka weerar ee kooxda Real Madrid ee Lucas Vazquez ayaa magaciisa ku daray liiska xiddigaha kooxdaasi laadadka xorta ah u tuuri doona xilli ciyaareedka kaddib markii uu tababarka kaga yaabsaday macalin Carlo Ancelotti.

Xiddiga Spaniard-ka ah ayaa laga qabtay muuqaalka isaga oo dhawr laad oo xor ah qaab cajiib ah u dhalinaya isaga oo ka yaabsaday xiddigo ay koox wadaag yihiin oo uu Isco kamid yahay si lamid ah tababare Ancelotti.

“Kaliya CV-gayga ayaan halkan kaga tagayaa kaddib…” ayuu Lucas Vazquez ku yidhi tababarihiisa cusub isaga oo qoslaya isla markaana u muujiyay waxa uu awoodo marka ay laadadka xorta ah noqoto.

Muuqaalkan ayaa ahaa mid laga duubay tababarada ka horreeya xilli ciyaareedka ee Real Madrid iyadoo dhammaan xiddigaha kooxdaasi ay diyaar u yihiin inay soo jiitaan tababarahooda cusub.

30 sano jirkaas ayaa bishii hore heshiis cusub oo saddex sano ah u saxeexay Real Madrid, xilli ciyaareedkii hore ayuu 34 kulan kasoo ciyaaray tartamada oo dhan isaga oo 2 gool iyo siddeed caawimo soo sameeyay xilli uu in badan booska daafaca midig qaab cajiib ah uga soo dhalaalay.

Waxa jira loolan badan oo xaga laadadka xorta ah oo xiddigaha Real Madrid ay geli doonaan gaar ahaan kaddib imaanshaha David Alaba oo isaguna cajiib ku ah balse Vazquez ayaa muujiyay inuu ugu yaraan aaminaad u qalmo.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

Lucas Vázquez con Ancelotti:

“Yo te dejo mi currículum”. ? pic.twitter.com/1L3cciCH64

— REAL MADRID❤️ (@AdriRM33) July 19, 2021

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More