DAAWO: Nin Qaawan Oo Garoonka Soo Galay Kulanka Manchester United &

Daqiiqado kooban markii ay socotay ciyaartii ay Manchester United martida ugu ahayd Granada ee lugta hore ee wareegga siddeedda Europa League, waxa mar kaliya ay indhuhu ku jeedsadeen in qaawan oo dhex ordaya ciyaartoyda.

Garoonka oo madhnaa, ayna joogeen ilaalo albaabada xidhay maadaama aan loo ogolayn taageereyaal, waxa si lama filaan ah mar kaliya kaamirooyinku usoo qabteen nin qaawan oo dhex ordaya garoonka, kaas aan la garanayn sida uu garoonka kusoo galay.

Ninkan oo maareeyey in uu kasoo gudbo ilaalada amaba meelo kale kasoo fantay, suurtogalna ay tahay inuu waqti hore yimid garoonka ayaan ka baxsanin ilaalada gudaha, waxaanu usoo orday dhinacooda.

Ciyaarta ayaa xoogaa loo istaajiyey maadaama uu garoonka dhex jiibsaday, ka hor intii aanay ciidanku gacanta ku dhigin ee aanay ka saarin qaybta lagu ciyaarayay ee garoonkan.

Ninkna oo gadh timo dhaadheer iyo gadh weyn ay qariyeen madaxiisa iyo wajigiisaba ayaa gacmihiisa kala bixinayay.

Boosliska ayaa markii ay qabteen u muuqday in ay xidhayaan, laakiin wax faahfaahin ah kamay bixin inkasta oo illaa berri laga sugayo in kooxda Granada ay ka hadasho sida uu ninkani kusoo galay garoonka.

Si kastaba, ninkan ayaa hadal hayn badan ka abuuray baraha bulshada, waxaana la is weydiinayaa sida uu garoonka kusoo galay iyo ujeeddada uu lahaa.

Halkan ka daawo muuqaalka:

Get in!! Been years since a streaker got on a pitch ? pic.twitter.com/8Q8MuyUsaO

— Liam Nunn (@liamnunn83) April 8, 2021

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More