DAAWO: Waa Ka Hor Intii Aanu Iska Beddelin Magaciisii Hore Ee

Ronaldo Luis Nazario de Lima, waa halyeygii Brazil ee dadku u yaqaaneen Ronaldo, laakiin xilligan uu maaliyadda qarankiisa xidhnaa ee muuqaalkiisana aad halka hoose ka daawan karto, wuxuu ahaa Ronaldinho, waana waqtigii aanu magaciisu u guurin Ronaldo.

‘R9’ ayay inta badan dadku usoo qaataan magaciisa maadaama ay isku magac noqdeen Cristiano Ronaldo-ha reer Portugal ee hadda Juventus u ciyaara oo jiilkan dambe ay kaliya isaga yaqaanaan.

Laacibkan oo dhabarkiisa uu ku qoran yahay magaca ‘Ronaldinho’ ayaa ka qayb-galay ciyaarihii Olambikada ee 1996kii oo uu dalkiisa ku hoggaamiyey, waana xilligii uu kusoo jeeday Barcelona ee bandhigga indho-sarcaadka ahaa uu muujinayay.

Koobkii Adduunka 1994kii ayaa lagu soo daray isagoo ay da’diisu ahayd 17 jir, waxaana inkasta oo uu ku dhamaystay kaydka uu haddana lahaa magaca ‘Ronado’, halka uu laacibkii hore ee Brazil ee Ronaldo Rodrigues de Jesus uu isaguna ku ciyaaarayay magaca Ronaldao ama ‘Ronaldo-ha weyn’.

Laba sannadood kaddib Koobkaas adduunka waxa loo doortay xiddiga ugu wanaagsan adduunka oo uu ku guuleystay markii u horreysay, waana markii uu soo dhamaaday tartanka olombikada ee 1966kii oo uu xidhnaa No 18, maadaama uu Juniho Paulista oo u ciyaari jiray Middlesbrough uu xidhnaa No.9.

Sidoo kale, waxa uu waqtigan ku ciyaarayay magaca Ronaldinho oo macne ahaan noqonaysa ‘Ronaldo-ha yar’, halka uu Ronaldo Guiaro oo isaguna kula jiray xulka, kana ciyaarayay difaaca uu qaatay magaca ‘Ronaldo’.

Intii uu socday tartanka Olombikadu, waxa uu dhaliyey shan gool waxaana ku jiray goolkii ay kaga guuleysteen Nigeria kulankoodii wareegga hore ee Group-yada, waxaanu waddankiisa ku hoggaamiyey biladda ‘maarta’ maadaama aanay koobka qaadin.

Halkan kaga bogo wacdarihii uu dhigay tartankaas:

Happy 44th to Ronaldo Nazário. Or is it Ronaldinho?

When O Fenômeno turned up the heat at the Atlanta 96 Olympics no one had a clue. pic.twitter.com/pJ2ZcrFSj1

— The Blizzard (@blzzrd) September 18, 2020

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More